Musuq-maasuqa Iyo Wax Is Daba Marinta Uu Sameeyey Hanti Dhawrka Guud Oo Golaha Wakiilada Saaka Loo Qaybiyay

Musuq-maasuqa Iyo Wax Is Daba Marinta Uu Sameeyey Hanti Dhawrka Guud Oo Golaha Wakiilada Saaka Loo Qaybiyay

obaama

Hargaysa(Salaanmedia.com)Guddida Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland u qaabilsan Dabagalka iyo ilaalinta hantida Qaranka, ayaa maanta Golaha weynaha soo hor dhigtay Warbixin muujinaysa Musuqmaasuq iyo maamul xumo ragaadisay Hay’adda Dawlada iyo Hantidhawrka guud ee Qaranka.
Guddidan oo Muddo baadhis ku waday hanaanka Hay’addani u shaqayso iyo sida ay uga hawl gasho ilaalinta Hantida qaranka, siiba Xisaab xidhada iyo baadhisaha meelaha Musuqmaasuq ka dhaco, ayaa sheegtay inaan hay’addani gabi ahaanba guddan hawlihii ay qaranka u xilsaarnayd, islamarkaana aanay wada shaqayni ka dhaxayn Madaxda Hay’adda oo ah Gudoomiyaha, kuxigeenkiisa iyo Agaasimaha.

sidoo kalena Madaxda Hantidhawrku ay la shaqayn wayday Guddidan wakiilada oo ka dalbatay inay.si.cad.ugu
soo bandhigtay Xisaab xidhada Miisaaniyaddaha qaranka iyo meelaha Hanti dhawrku u galay arimo Musuqmaasuq waxa uu ku gabo-gabeeyay .
Ugu horayn Guddida oo Sawiraysa sida ay Madaxda Hantidhawrka guud uga dhego adaygeen Guddidan baadhista ku haysay sidii ay u ogaan lahaayeen in Hantida qaranka la ilaaliyay lana raacay Shuruucda u degsan ayaa warbixintooda ku yidhi “Tusaale, Gudidu waxay Hanti-dhawraha la qaadatay kulamo aad u faro-badan labadii Sano ee ugu danbeeyey.
Waxaanay qoraalo faro-badan u qortay Xafiiska Hanti-dhawraha kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwan sumadoodu ay hoos ku qoran yihiin:-
1. GW/G/01/57/2012
2. GW/G/01/73/2012
3. GW/G/01/98/2013
4. GW/G/01/20/2013
5. GW/G/01/10/2014
6. GW/G/01/24/2014
7. GW/G/01/194/201
Dhamaan waraaqahaas iyo kulamadaas aanu la galnay nuxurka dalabka Gudiddu wuxuun buu ahaa qaar isku mida waxaanuna ka dalbanaynay saddexdan qodob ee halkan hoose kuqoran:-

1. U soo gudbint Guddida Warbiximaha Sanadlaha ah. (Annual Report)
2. Warbiximaha Hay’adaha uu baadhay iyo Gunaanadkooda
3. Warbixin xisaabeedka hay’adda lafteeda iyo hantideeda guurtada ah iyo maguurtada ah.
Codsiyadaas iyo dalabyadaas ay Guddidu waydiisatay, mar walba Hanti-dhawrahu wuxuu Guddida ka codsadaa in ay siiyaan waqti aan kabadnayn 10 malmood, 5 maalmood, mararka qaarkood 2 wiig.
Guddida Ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranku iyagoo markasta tixgelinaaya wadashaqaynta Xafiiska Hanti-dhawraha, tixgelisana codsiga kaga yimaada Hanti-dhawraha Qaranka, Dhamaan balanqaadyada Hanti-dhawrahuna waxay ku dhamaataa mid aan waxba ka fulin.
Mararka qaarkoodna wuxuu Hanti-dhawraha Guud noo soo qorayay waraaqo nuxur ahaan ka duwan wixii aanu ka dalbanay, oo aanu u aragnay uun isdiidsiin iyo ka cagajiid. Gudidu siwadar iyo si shakhsiyaad ahba waxay uga hawlgaleen hirgelinta wadashaqayn dhexmarto Hay’addaas iyo Golaha si loo gaadho Hadafkeena Qaran ee aynu higsanayno.”
Warbixinta Guddidan Wakiilada ka tirsani ka diyaarisay Hantidhawrka waxaa lagu sheegay in baadhis lagu sameeyay Hay’adda lafteeda ay ku Ogaadeen inaanay wada shaqayniba ka dhexayn Madaxda Hay’adaasi
“Ka dib markaanu in badan eegaynay Xogona ka urur-sanaynay Hay’adda Hanti-dharka Guud waxaan noo soo baxday in:-
1. In Aanay wax wada shaqayni ka dhexayn madaxda u saraysa Hay’ada, Gudoomiyahuna Lumiyey Nidaamkii wadasghaqayneed ee Hay’adda.
2. In Shaqada Hay’addu ay ku kooban tahay Gudoomiyaha oo uuweheliyo agaasimaha Dawlada dhexe.
3. In Hay’adu noqotay Hay’addaha ugu hoosaysa tayo ahaan intii aanu la kulmaynay madaxda qaranka, anagoo Hay’adaha ku qiimayna warbixinada ay nasiiyaan iyo xogo oo aanu badanaa ka helno siyaabaha ay hayadahu amaba wasaaraduhu ku gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
4. In Gudoomiyahu aanu ogolayn in xogo qoraala uga gudbiyo Golaha Musuqmaasaqa xukumada hadheeyey ee uu afka ka sheegaayo.
5. In Hay’adda laftigeedu aanay ka madhnayn maamul xumo baahsan oo dhexdeeda ah taas oo sababi karta wax isdaba marin.”
Talo soo jeedinta Guddida:-
Guddida Ilaalinta iyo Daba-galka Hanti Qaranku waxay soo Jeedinayaan Qodobadan hoos ku xusa:
1. In Madaxweynahu uu dib u eegis balaadhan oo kor iyo hoos ah ku sameeyo Hay’adda Hanti-dhawrka Qaranka.
2. In Wax ka bedel kaabis lagu sameeyo Xeerka Hanti-dhawrka (Xeer 5/98) oo ku dhisnaa Cahdi Qarameedkii la waafajiyo Dastuurka JSL.
3. In Xisaab-xidhyada 2008, 2009, 2010, 2011, 2012 iyo 2013 ee uu Hanti-dhawraha Guud Golaha keenay lagu wada celiyo si u u soo dhamaystiro, u soo saxo una soo raaciyo cadaymaha iyo Documents (Supported documents) looga baahan yahay
Warbixintan oo ka kooban 11 Bog ayaa lagu sheegay in Xisaab xidhada Miisaaniyaddaha ee Hantidhawrku soo gudbiyay Guddidu ka heshay Khaladaad fara badan oo u muuqda Musuqmaasuq, kuwaasi oo uu Hantidhawruhu ka garaabay Khaladkooda balse uu ku cudur daartay inuu baadhis ugu noqonayo