SIRTA DHABTA AH EE KADAMBAYSA KULANKA MADAXWEYNAYAASHA SOMALIYA,SOMALILAND IYO DJIPUTI MAXAY TAHAY?

image

Shirkan oo  hore loo baajiyey ee labada madaxweyne djiputi ku dhex dhexaadinayso wuxuu ku saabsanyahay sidii loo midoobi lahaa awooda somaliyana loo qaybsan lahaa,  laakiin shacabka somaliland waxaa loogu sheegayaa in laba dawladood loo wada hadlayo, shirkan waxaa soo qaban qaabiyey dawladaha USA,TURKIGA,UK, ujeedadiisuna waxay tahay in lahelo somaliya hal dawlad ah oo con-federaal ah.                                                                                                                      

Maadaamaa ay UN ta iyo dawladaha reer galbeedka diideen inay aqoonsadaan somaliland si cad oo toosana loogu sheegay madaxweynaha somaliland markii uu UK yimid ee uu lakulmay Raysalwasaaraha uk David cameron taasoo loo sheegay in 5tii somaliyeed dib loo midaynaayo.                              

Madaxweyne Ismaaciil cumar geele wuxuu ogyahay mahsaariicda dawliga ah ee reer galbeedku diyaariyeen si loo soo saaro shidaalka kujira somaliya iyo geeska afrika guud ahaan si looga maarmo kutiirsanaanta shidaalka khaliijka iyo ciraaq maadaama dagaalo waaweyn kasocdaan barigadhexe.                                                        

Hadaba waxaa muhiima in lafahmo ilaa iyo 2016ka in somaliland iyo somaliya lawada gaadhsiinayo hiigsiga cusubina uu doorashada kawada dhici doonto dhamaan soomaliya sida qorshuhu yahay.        

Hadii uu shaki kaaga jiro hasugu waayin marka ay si rasmiya ugu dhawaaqi doonaan UN USA UK iyo dawladaha afrikaanka waxaana qasab ku ah in somaliland ay aqbasho waxa reer galbeedku wataan.                              

Waxaa gobolka soo galay dawlada CHINA IYO RUSSIA oo labadooduba khatar ku ah danaha reer galbeedka mana ogolaanayaan inay wax fursad ah siiyaan xaga somaliya waa muhiim in lafahmo. Waxaa dalka somaliya jooga in kabada 70,000 oo ciidamo AFRKAAN iyo EUROPIAN isugu jira 30km oo xeebta muqdisho ku dhereran waxaa degay oo qaatay shirkado waa weyn oo AMERICAN ah,xalana waxaa degan ciidamo badan oo 5000 gaadhaya oo isugu jira

USA,UK,EU,AU,UN,TURKEY, iyo qaar badan oo iyagu aan ahayn dawlado laakiin ciidamo private security contractors ah,                   waxaas oo dhan iskama imaanin waxay uyimaadeen arin weyn oo mustaqbal fog laga damacsanyahay oo dhaqaale iyo siyaasadba saamayn wey ku yeelan doona somali oo dhan.           

Gabagabadii waxaan kusoo gunaanadayaa in somaliland tartan dhexdeeda ah uu jiro oo wax walba kasuuroobaan inay sameeyaan qolada talada haysa oo og inaynan doorashada kuguulaysanaynin.

Habiil Cabdi Haybe

London