Jaaliyadda Gobolka HAWD Ee Waddanka Qadar Oo Lacag Ugu Deeqday Dhismaha Jidka Isku Xidha Balligubadle Iyo Hargeysa

image

 

 

 

 

 

 

(SM-Hargaysa)-Jaalliyada beesha Gobolka Hawd ee waddanka Qatar oo ka qeyb qaadanaysa dhismaha jidka Hargeisa – Balligubadle, ayaa waxay soo gaadhsiiyeen guddida jidka Balligubadle dafcaddii koowaad ee lacagta jidka lagu dhisayo, taasoo qadarkeedu ahaa $ 24,500.00.

Qadar
Dafcaddan koowaad ee lacagta oo ay jaalliyadu kusoo shubeen xisaabta gaar ah ee Jidka Hargeisa – Balligubadle, waxaa qeyb muhiim ah ka qaatay haweenka Beesha Gobolka Hawd, kuwaasoo dhinacoodana dedaal dheeraad ah muujiyay, kadib markii ay lacagtan qeybtooda soo ururiyeen.,

Ugu dambeyntii waxay jaalliyadu usoo jeediyeen dhammaan beelwaynta ARAB ee ku sugan waddanka iyo dibadiisa in si buuxda looga qeyb qaato dhismahan jidka Balligubadle, kaasoo faa’iido aad u badan u leh horumarinta gobolka iyo Bulshadiisaba.

Allaah baa Mahad Leh.

Ahmed Raamaale.

Xoghaya Jaalliyada Beesha Gobolka Hawd ee Qatar.