CAAWA IYO ABAALMARINTA BALLON DA’Or: Messi + C.Ronaldo+Manuel Neuer

CAAWA IYO ABAALMARINTA BALLON DA’Or: Messi
+ C.Ronaldo+Manuel Neuer

MEZI IYO CRIS

Abaal marinta ugu qaalisan kubbada cagta
adduunka ee Ballon da’Or ayaa la bixin
doonaa caawa marka ay saacadu geeska
afrika tilmaameyso abaaraha labada
fiidnimo iyadoo ay ku tartami doonaan
abaal marinta, goolhayaha kooxda Bayern Munich Manuel Neuer, xiddigaha Real
Madrid iyo Barcelona C. Ronaldo iyo Lionel
Messi.
Xiddigahan aan kala dhicin ayaa iyagu
wacdaro muuqata dhigay sanadkii tagay ee
2014 waxayna midaa horseeday in lagu murmo cidda mudan abaal marinta, haddaba ka bogo warbixintan oo adigu go’aami cida mudan Ballon da’Or sanadka 2014. Aynu ku hormarno goolhaye
Manuel Neuer ee goolka u ilaaliya kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka Germany, wuxuu
koobka Bundesliga iyo waliba DFB-Pokal kula guuleystay kooxda Bayern Munich. Guusha ugu wayn
uu gaadhay goolhaye Neuer ayaa ah inuu xulkiisa kula guuleystay koobka adduunka markeedii
afaraad, kaddib 24-sanadood ay sugeysay koobkan. Sidoo kale wuxuu ku guuleystay abaal marinta
Golden Glove ee gacmo gashiga dahabka ah ee goolhayaha ugu fiican koobkii adduunka ee lagu qabtay dalka Brazil. Goolhaye Neuer wuxuu kaloo awood u yeeshay inaan wax gool ah laga dhalin 4-
kulan oo ka tirsan koobka adduunka, kulamo uu kala hortagay, xulalka Portugal, USA, France iyo
xulka Argentina, sidoo kale goolhayan reer Germany ayaa ah ilaa iminka goolhayaha ay ka dhasheen
goolashii ugu yaraa xilli ciyaareedka iminka socda ee 2014-2015.
Lionel Messi: Wuxuu tirtiray rikoodhada rugcadaayadii hore wuxuuna lugtiisa ku qoray kuwa cusub,
58-gool ayuu dhaliyay 66-kulan uu saftay sanadka, wuxuu jabiyay rikoodhka laacibka ugu goolasha badan ebid taariikhda La La Ligaha Zarra, isagoona dhaliyay 253-gool. Intaa oo kaliyay kuma ekaan
Messi oo wuxuu kaloo jabiyay rikoodhka Raul ee laacibka ugu goolasha badan ebid taariikhda
Champion League isagoona dhaliyay 76-gool. Goolasha oo kaliya waxba makaafiyaan oo Lionel
Messi wuxuu sidoo kale 21-gool ka caawiyay saaxiibadiisa. Messi oo kabtan u sita Argentina ayaa ku
hogaamiyay xulkiisa ciyaartii kama dambeysta ee koobkii adduunka ee lagu qabtay dalka Brazil,
sidoo kale wuxuu noqday laacibkii ugu fiicnaa koobka addduunka. C. Ronaldo: Wuxuu rumeeyay riyada koobka 10-aad Champion League ee kooxda Real Madrid La
Dacima, taa oo ay sugeysay Madrid 12-sanadood. Koobka Super Cup ayuu ku hogaamiyay kooxdiisa
Real Madrid kaddib markii ay ka qaadeen kooxda Sevilla, waxaana kooobkan wada ciyaara kooxda
ku soo guuleysata Champion League iyo tan soo qaada Europe League. Inkastuu Ronaldo dhaawac
ku maqnaa ciyaartii Final-ka Copa Del Rey ay Real Madrid ka qaaday Barcelona, misane wuxuu ka
mid ahaa xiddigihii suuro galiyay koobkan isagoona goolal soo dhalinayay ilaa ciyaarta kama dambeysta. Ronaldo ayaa ku guuleystay kabaha dahabka ee laacibka ugu goolasha badan Yurub xilli
ciyaareedkii tagay, kaddib markii uu dhaliyay 31-gool, wuxuuna dhaliyay ilaa hadda 61-gool 60-
kulan uu saftay, isagoona sidoo kale ka caawiyay kooxdiisa ilaa iminka 22-gool.
Sidoo kale waxaa loo doortay Ronaldo laacibka ugu fiican Yurub, isagoo abaal marintaa ku karaacay
Robben iyo goolhaye Neuer oo kula tartamayay, wuxuuna ku guuleystay gool dhalinta La Liga ee
xagaagii la soo dhaafay. Gool dhalinta bis muu qaadin ee sidoo kale wuxuu Ronaldo noqday weeraryahanka ugu fiican iyo laacibka ugu fiican La Liga ee xagaagii tagay, sidoo kalena waxaa la
guddoonsiiyay abaal marinta Di Stafano oo ay bixiso jariiradda Marca.
Wuxuu sidoo kale Ronaldo ku guuleystay gool dhalinta Champion League ee xagaagii tagay taa oo
ahayd waliba mid rikoodh ah 17-gool, wuxuuna sidoo kale yahay laacibka ugu goolasha badan
taariikhda CL kaddib Messi, wuxuuna Ronaldo ku soo xidhay sanadkiisa wacan ku guuleysiga koobka
kooxaha adduunka.