DAAYEER iyo DIIN ayaa dood wada galay , wuxuu DAAYEERKII waydiiyey DIINKII : iyamaa waxyeelo badan , nabar jidhka kaaga dhaca iyo BEENTA ?

maqaal

DAAYEER iyo  DIIN ayaa dood wada galay , wuxuu DAAYEERKII  waydiiyey DIINKII : iyamaa waxyeelo badan , nabar jidhka kaaga  dhaca iyo BEENTA  ? 

DIINKII wuxuu ku jawaabay kuna adkaystey in BEENTU ka waxyeelo weyntahay , nabar jidhka kaaga dhaca .
Daayeerkii jawaabtan wuu qaadan waayey , waanu ku qanci waayey , hadalkaasuna wuu ka degi waayey .
Daayeerkii wuxuu Diinkii waydiiyey : ma ogoshahay inaan nabar kugu dhifto ? bal aynu kal ogaanee  , keebaa waxyeelo badan ?
DIINKII wuu ogolaaday in Daayeerku nabar adinka kaga dhifto .
Markii nabarkii Diinkii ku dhacay , ayuu Diinkii inta uu caleen geed agtiisa ku yaala  soo goostay , meeshii nabarku kaga dhacay saaray, kuna daweeyey .
Maalintii danbe , ayaa Diinkii oo bogsadey soo noqday , laakiin Diinkii intaanu Daayeerkii u iman , ayaa waxa uu soo iibsadey , WASLAD hilib ah  oo weyn , inta uu googooyay oo yaryareeyay oo sib fiican u kariyey , ayaa uu geed ka soo wada lulay , una ee kaysiiyay Khudrad  (ama midho) oo soo wada laa laadiyay . Kabacdi markuu shaqadan qabtay , ayuu DIINKII wuxuu u tegey DAAYEERKII oo ku yidhi : waxaan halkan ku soo maray , Geed aanan weligay arag mid la mid ah , waxaan arkay GEED HILIB dhalay sidii midhaha oo kale . 
DAAYEERKII inta uu  ku qoslay DIINKII , ayaa waxa uu Diinkii ugu jawaabay : Ma garanaysid sida BEENTA loo sheego , waayo ? waxan aad ka hadlaysaa wax suurto gal ah maaha  , wax dhici karana maaha , in GEED dhalo HILIB karsan .
DIINKII wuxuu ugu jawaabay Daayeerkii : bal kaalay iraac aan ku soo tusee .. Daayeerkii wuxuu raacay Diinkii , in yar markay ay GEEDKII u soo jiraan , ayaa DAAYEERKII wuxuu u riyay hilib  xagga geedka ka imanaysa . K ABACDI daayeerkii GEEDKII ayuu koray .
DIINKII inta uu cararay ayuu EY u tegey , arintii GEEDKANA wuu uga waramay , EY dii gaajoonaysayna DIINKII BAY SOO RAACEEN , GEEDKII bay hoos yimaadeen , iyaga oo aad u ciyaaya .
Daayeerkii inta uu aad u baqday oo gariiray , ayaa waxa uu bilaabay in uu wasladaha Hilibka ah , EYdii u soo daadiyo .
EY kale oo badan ayaa urtii Hilibka soo raacday oo Geedkii hoos timi .
DAAAYEERKII Hilibkii oo dhan EYdii wuu u soo daadiyay , laakiin AYdii may dhergin oo qaylo iyo sawaxan ayay isku dareen , iyaga oo u jeeda in uu Daayeerku Hilib kale u soo daadiyo , haddii kale ay isaga cuni doonaan .
DAAYEERKII Geedkii ayuu ka soo dhaadhici kari waayey , af-kaana waxba muu saarin ,  i9ntii uu EYda ka baqanaayay .
Muddo saddex casho ah buu Geedkii saarnaa , waxna aanu cunin , waxna aanu cabbin . 
Maalintii 4 raad ayaa Geedkii waxa soo ag-maray WARAABE weyn , EYdii way yaacday , WARAABIHII Geedkii buu hoos jiifsaday , daayeerkiina ku sugayaa inta uu soo degi doono , si uu u cuno .
DIINKII baa WARAABIHII u yimi oo waydiiyay : maxaad halkan ka qabanaysaa ee aad Geedkan u hoos jiifsatay ? ma DAAYEERKAN miskiinka ah ee isba gaajoonaaya ayaad sugaysaa oo aad doonaysaa inaad cunto ? waar iskaga tag , wax laga cunaa kuma yaalaane , haragii iyo lafihii baa isku dhegey . Geedkana baqasho ayaa saartay , muddo dheerna muu seexan.
WARAABIHII wuu iska tegey .
DAAYEERKII oo cabsi iyo baqasho dishay , oo dhegeysanaayay hadalkii dhex maray DIINKII iyo WARAABIHII .
DAAYEERKII ayaa Geedkii ka soo degey , isaga oo daal iyo diif iyo tacab badani ka muuqdo .
DIINKII baa damcay (doonay) in uu DAYEERKII la hadlo . Laakiin DAAYEERKII baa hadalkii ka boobay oo DIINKII ku yidhi :
Awood aan kugulo hadlo ma hayo , laakiin waxaan ogaaday oo yiqiin saday , in ay BEENTU ka KHATARSAN tahay kana waxyeelo badan tahay , dhaawaca jidhka kaa soo  gaadha .
Hadaba shicibkan wanaagsan ee masaakiinta ah , BEENTA joogtada ah , ha laga daayo .
CALI MAXAMED BIIXIÂ