Xidhiidhka ka dhexeeya jabhadda Suldaan Wabar iyo Khaatumo iyo doorka Ethiopia ku leedahay taageeradooda.

Xidhiidhka ka dhexeeya jabhadda Suldaan Wabar iyo Khaatumo iyo doorka Ethiopia ku leedahay taageeradooda.

maqaal

Inta badan dawladda Somaliland kama waranto xaqiiqada dhabta ah ee ku aaddan jabhadaha ku kacsan ee kasoo kala jeeda gobolada bariga iyo galbeedka ee dalka. Marka maamul waddan ka taliyaa uu ka qariyo shacabkiisa khatar ku soo waajahan, waxa lagu tilmaamaa arrinta noocaas ah khiyaamo qaran iyo dhagar qarsoon oo maamulkaasi ka galay shacabkiisa. Xukuumada Somaliland ayaan ilaa iyo hadda jawaab waafi ah ka bixin arrinta jabhadda ka aasaasantay gobolka Awdal ee uu hogaamiyo Suldaan Wabar iyo jabhadda khaatumo ee ka talisa qayb kamid ah gobolada bariga. Hadaba waxa beryahan danbe soo if baxay xidhiidh is kaashi oo dhexmaray jabhadda Awdal iyo khaatumo oo heshiish rasmi ah ku gaadhay dalka Ethiopia. Kulankan oo si qarsoodi ah ku qabsoomay magaalada Jigjiga ayaa ula jeedadiisu ahayd sidii labadan jabhadood  iskaashi buuxa u yeelan lahayeen una sii wadi lahaayeen dagaalka ay sheegeen inay ku xoraynayaan gobolada ay ka jiraan iskaashiga noocan ah ayaa lagu tilmaami karaa aragtida tidhaahda “cadawgaaga cadawgiisu waa saaxiibkaa”. Lama odhan karo xukuumadda Somaliland ma oga kulamada noocaas ah ee dhexmaraya jabhadahaas, laakiin dhayalsi iyo fududaysi u muuqda in aanay wax qorshe ah oo ay ka yeelatay khatarta ka iman karta kacdoonkaas aanay jirin. Jabhadda suldaan Wabar oo hadda bilawday dagaal jabhadeed noociisu yahay ku-dhufo oo ka-dhaqaaq, ayaa tiraba saddex jeer weerar ku qaaday goobaha ugu muhiimsan gobalka Awdal sida saldhiga dhexe ee magaalada Boorame, guriga badhasaabka gobolka iyo xero ciidamada milatarigu leeyihiin. Waxa nasiib darro ah in xukuumaddu aanay danbka ka lahayn ilaa hadda oo aanay wax talaabo ah qaadin oo ay ku soo afjarayso kacdoomadaas ka curtay gobolkii ugu nabad gelyada badnaa dalka Somaliland. Xukuumaddu waxay ka badheedhi weyday dawladda Ethiopia oo ka dib markii uu xumaaday xidhiidhkii ka dhexeeyay Somaliland mar keliya uun isu rogtay cadawga Somaliland isla markaana bilawday inay jabhado ku kiciso. Cidna kama qarsoona in jabhadda suldaan wabar ay Ethiopia tageero dhaqaale, mid hub iyo mid hoy  intaba ay ka helaan oo saldhiga ay ka soo duulayaan uu ku yaallo dalka Ethiopia. Waxaa ka horraysay in jabhadda khaatumo ay ku soo barbaaartay  degmooyin ka tirsan dalka Ethiopia oo ku dhaw xuduudda ay laleedahay Somaliland ilaa haddana Ethiopia lug weyn ayay ku leedahay jiritaanka khaatumo. Dawladda Ethiopia hadaanay raalli ka ahayn jabhadahaas marna umay ogolaateen inay saldhig ku yeeshaan gudaheeda, hadiiba ay ogolaatay inay degenaadaan dalkeeda waxay taasi muujinaysaa in aanay xidihiidh fiican lalahayn Somaliland. Xukuuamdan hadda talada haysa oo ku can baxday inay waxkasta dafirto ma qarin karto maanta xidhiidhka xumaaday ee ka dhexayn jiray Ethiopia iyo Somaliland. Sidaa si lamid ah waxa isna xumaaday xidhiidhkii ka dhexayn jiray Djibouti iyo Somaliland waxaanu keeni karaa in jabhadaasi taageero ka helaaan marhadii dadyawga labada dal ay isu furan yihiin dalasho ahaan iyo dhaqan ahaanba asaan labada maamul xidhiidh fiicani ka dhexayn. Labadan jabhadood ayaa ka midaysan hadda in Somaliland loo fasiro dawlad beel gaar ahi isku koobtay oo beelihii markii hore la dhistay ay hadda ka baxeen ka dib markii ay ka waayeen saamigoodii ay xaqa u lahaaayeen. Hadii dagaalka jabhadahani sii socda Somaliland waxay ugu muuqan doontaa beesha caalamka maamul goboleed ku salaysan beel isku hayb ah. Aragtida noocan ah waxa oggol xukuumadda hadda jirta oo tiraba laba jeer ka baxday degmooyin ay ka qabsatay jabhadda khaaatumo ka dib markii beeshha caalamku sheegtay in deegaanka Somaliland dagaalka ku qabsatay aanu maamul ahaan hoos imman dawladooda isla markaana ay ugu baaqday inay dhakhso uga baxdo. Ugu danbayntii waxa la odhan karaa gaabiska xukuumadda ku jira ee ku aaddan wax ka qabashada jabhadhaas waxa uu daaranyahay arrimahan hoos ku xusan mid uun.

1-      Xukuumadda hadda talada haysaa waxay gashay heshiish federal sidaa darteed waxa dhiirri gelinaysaa furfuranka Somaliland, markaa hadii jabhado abuurmaan waxay u noqon kartaa wax ay ku marmarsooto  oo soo dedejiya in faro gelin shisheeye timaado ka dibna la hirgeliyo qorshaha federalka ee miiska u saaaran xukuumadda siilaanyo.

2-      Xukuumadda siilaanyo ee wakhtigii la doortay  ka dhamaanayo waxay ku dedaalaysaa inay talada sii haysato si ay cimri dherer u heshana waxay u baahantay wax baajiya doorashada soo foodsaartay kaas oo noqon kara dagaallo ka qarxa gobolo ka mid ah Somaliland si aan doorasho u qabsoomin in muddo ah.

3-      Xukuumadda siilaanyo diyaar uma aha inay ka jawaabto cabashooyinka iyo tabashooyinka ka soo yeedhaya gobolada darafyada ee lagu dalbanayo saaami qaybsi u qalma goboladaas waxayse ku foogantay qudha sidii ay horumar u gaadhsiin lahayd beel gaar ah oo  isu diyaarinaysa inay hormuud u noqoto beelaha Somaliland dega kana sarrayso aakhirka cudud ahaan, ciidan ahaan, siyaasad haan iyo dhaqaale ahaanba. 

 

By:  Cabdixakiim       Muuse      Cali