Ra’isal Wasaaraha Somalia Oo Codsaday In Dib Loogu Dhigo Ansixinta Golihiisa Wasiirada

Ra’isal Wasaaraha Somalia Oo Codsaday In Dib Loogu Dhigo Ansixinta Golihiisa Wasiirada

sharmaake

Moqdisho(Salaanmedia.com):- Warar Deg Deg Ah Oo Ay Hadhwanaagnews Ka Heshay Xurunta Dawlada Faderaalka Ah Ee Somaliya Ee Magaalada Muqdisho Ayaa Waxaa Ay Tibaxayaan In Dib Ay U Dhacdey Ansixinta Xukuumadii Cusubeed Ee Uu Dhawaan Soo Dhisay Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake Oo Maanta Oo Sabti Ah Golaha Barlaamanka Somaliya U Balansanaayen In Ay Siiyan Codka Kalsoonida.
Wararka Ayaa Waxaa Ay Intaasi Ku Sii Darayaan In Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Uu Rabo In Uu Diyaariyo Warqad Uu Ku Dalbanaayo In Dib Loogu Dhigo Wakhtiga Xukuumadiisa Cusubi Ay Hor Imaneyso Golaha Baarlamanka Somaliya Balse Waxaa Aan Wali Si Rasmi Ah Loo Ogen Sida Ay Baarlamanka Somaliya Ka Yeeli

Doonan Codsiga ra’iisul wasaaraha Oo Maanta Loo Balansanaa In xildhibaannadu codka kalsoonida ah u qaadaan wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Sharma’arke .
Xukuumada Cusub Ee Dawlada Somaliya Ayaa Ah Mid Iyadu Ka Kooban 20(Labaatan) Wasiir Oo ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Uu Ku Dhawaaqay 27 Bishan .