Tixdan SHIR -DUGAAG waa shirkii habar dugaag, go’aankii iyo qodobadii ka soo waxay

maqaal

Tixdan SHIR -DUGAAG waa shirkii habar dugaag, go’aankii iyo qodobadii ka soo waxay
Waxaanay tilmaamaysaa Aar libaax da,i haleeshay, isla markaasna hidin
kari waayey waajibkiisii ahaa inuu habar dugaag hormuud ugu ahaado ugaadhsiga
duunyo (duleedjoog iyo duurjoogba). Wuxuu isugu yeedhay habar dugaag waxaanuu uga
xaal waramay daruufta la soo deristay iyo go’aanka uu qaatay inuu Goosha libaaxa
Talada ku wareejiyey. Wuxuu kale oo talo iyo tusaale badan u xanbaariyey gooshii.
Isagoo uga waramay sida ay wax u hogaamin doonto Gooshu, siro badan iyo digniin-na siiyey.
Markaan eego sida habar dugaag ugu heshiiyey duunyo, duunyo halis bay ku jirtaa.

Tixda: SHIR-DUGAAG
Curiye: Omar Ali Abdi
Taariikh: 31.01.2015
***************************
Dugaag baa intuu shiray
Inta cawska daaqdiyo
U heshiiyey duurjoog
Iyo duunyo idilkeed.
***********************
Dinaaheeynta Aarkii
Laye habar dugaagaw
Aan idiin dansheegtee
Hadaan beri daraan jiray
Duhur weerar geli jiray
Abeerkii duboodiyo
Dameer farawga naaxiyo
Lo’da dibiga weyniyo
Sange dooxa wadhi jiray.
***********************
Daribtiyo cantuugada
Dildilaacin feedhaha
Markaan reebo diihaal
Hiinraag ku dari jiray
Dalban jiray dhamaantiin
Idinkuna duxii hadhay
Ku dabaal degayseen.
**********************
Maantaba da’baa tidhi
Wakhtibayga daba yimi
Dabreyn weerar culusiyo
Ma awoodo duulaan.
**********************
Idinkubaa duruufaa
Duudkayga feen-miyo
Dushaydaad ka aragtaan
Dirgan waayey orodkii
Boodona warkeed daa.
***********************
Daryeel baan u baahnee
Waa inaad dedaashaan
Duunyada xasuuq-daan
Mid duleedka joogiyo
Midka deyrka xero gala
Labadaba ha deynina.
***********************
Adaan diir dhaqaaqiyo
Dirgashada aqoonoo
Damacaagu ba’anyee
Goolyahay na daadihi.
***********************
Dusha shaashka iga baxay
Iyo xidho duftaydoo
Doorkii hogaan noqo.
***********************
Inta orodka dihatiyo
Inta mici ku dooxdaba
Daaweysta talo guud.
Inta samada duushiyo
Haadkana u diro sahan.
************************
Dirka Cat-ka weeyoo
harimacadku waa door
Waa dilaa shabeelkuna
Waxsaan kaaga digayaa
Damacooda waalane
Kala soco dushaa sare.
***********************
Dareenlaawe dhidarkiyo
Waa doqon waraabee
La heshii dirkiisaba
Kuna dhaaf duruufaha.
***********************
Danwadaagta yey-diyo
Dayo waa belaayee
Yey ku dagin khiyaamada.
***********************
Anigana danteeniyo
Duubka igu ilaashoo
Deyrkan yaan la soo gelin
Midna yuu damaaciyin..
***********************
Markaad neefka dilataan
Intaan doorka u lahaa
Iyo Weliba dhaba dhaho
Dacalkayga soo dhiga

…Shirkii habaar dugaag…