“Xukuumadan Waxaan Leeyahay Waar Booliskuna Booliskii Aynu Naqaanay Maaha, Dhalinyaraduna Dhalinyaradii Aynu Naqaanay Maaha..”

“Xukuumadan Waxaan Leeyahay Waar Booliskuna Booliskii Aynu Naqaanay Maaha, Dhalinyaraduna Dhalinyaradii Aynu Naqaanay Maaha..”

7676575675-150x150

Hargeisa, 31 Jan 2015 (Salaanmedia.com)-Suldaanka Guud ee salaadiinta Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa shalay ka hadlay Munaasibad uu goob joog ka ahaa oo ahayd xilwareejin ay lahayd dalada sonyo, ayaa ka hadlay rasaas ciidanka boolisku ku fureen dhalinyaro kubad ku ciyaaraysay garoonkaa Maxamuud Axmed Cali oo sababtay dhimashada hal wiil iyo dhaawaca mid kale, dhalisayna mudaharaad mudo socday oo ka dhacay xaafadaa khamiistii.
Suldaanku wuxuu arintaas ku tilmaamay, mid amniga khal khal galinaysa oo aan si lexe jeclo leh loo asiibin. Suldaanku isaga oo amuurahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “ xalayto(habeen hore) qolooyin xaafada Axmed Dhagax isku laayay booliskii iyo gurmadkii iyo RRU la soo diray, qoladii iyo meeshii laysku laayay inta la soo dhaafiyay ayaa niman halkan Maxamuud Axmed Cali ku ciyaaraya rasaas lagala daalay, xaq miyaa loogu leeyahay umada in dad aan dhib gaysan la laayo?.Arintaa waxaanu uga cabanaynaa jananka booliska, waa in deg deg wax looga qabto, dadbaa ku dhintay, dad waa dhaawac, qaar meheraday gubeen markii ay arkeen xaqdaro lagu weeraray, taana waxanu doonaynaa inay xukuumadu soo cadayso. Waa arin hadaan wax laga qaban dhibaatadeedu ay ka badan doonto oo Hargeisa xaafad xaafad inay ukala fadhiisato ayaa loogu talo galay, xukumadan waxan leeyahay waar booliskuna booliskii aynu naqaanay maaha, Dhalinyaraduna dhalinyaradii aynu naqaanay maaha, Waar meesha yaal laysku hurgufin ee si fiican ha loo dhex galo “ ayuu yidhi Suldaan Maxamed Cabdi Qaadir.