Baarlamanka Somaliya Oo Cod Gacan Taag Ah U Qaaday Mudo Kordhi Lasiiyay Raysal Wasaaraha Soamliya.

Baarlamanka Somaliya Oo Cod Gacan Taag Ah U Qaaday Mudo Kordhi Lasiiyay Raysal Wasaaraha Soamliya.

Baarlamaanka Soomaliya

(Salaanmedia.com) Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor-dhow cod gacan-taag ah ku ogolaaday muddo 10-maalmood ah oo uu codsaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid, si uu u soo dhameystiro golihiisa wasiirrada. Codeynta oo ahayd mid gacan-taag ah ayaa ogolaatay 10-casho ee uu ra’iisul wasaaruhu dalbaday 139-mudane oo ka mid ah 190 xildhibaan oo kulanka goobjoog ka ahaa, iyadoo ay diideen 47-xildhibaan, halka afar mudane oo keliyana ay ka aamuseen. “Natiijada codeyntu waxay noqotay; 190 xildhibaan ayaa codeeyay 139 xildhibaan oo ogo-laatay codsigii ra’iisul wasaaraha Somalia ee 10-ka casho, 47 xildhibaan oo diiday iyo afar xildhibaan oo ka aamusay, sidaa daraadeed ra’iisul wasaaraha wuxuu ka haystaa 10-casho oo muddo kordhin ah,” ayuu yiri Jawaari. Sidoo

kale, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraaha laga doonayo inuu muddadaas gudaheed ku dhameystiro xukuumaddiisa uuna baarlamaanka hor-keeno si codka kalsoonida ah loogu qaado. Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa laga filayaa in muddada la siiyay uu xukuumaddiisa kusoo dhameystiro, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in la weydiistay inuu shan wasiir oo cusub kusoo daro golaha si ay ula jaan-qaaddo miisaaniyada 2015-ka oo lagu jaan-gooyay 25-wasaaradood iyo ku xigeennadooda,. Cumar Cabdirashiid ayaa laga doonayaa inuu muddadaas kaddib uu xukuumadda horkeeno golaha baarlamaanka si kalsooni loogu qaado, iyadoo markaas kaddibna uu baarlmaanku geli doono fasax xilliyeedkiisii caadiga ahaa. Khudbad uu ra’iisul wasaaruhu ka jeediyay baarlamaanka intii aan codsigiisa loo qaadin codka ayaa dhalisay buuq weyn, iyadoo mudnayaal baarlamaanka ka tirsan ay ku doodeen in muddo kordhin kale aan la siin ra’iisul wasaaraha.