Wasiirkii Hore Ee Khaarajiga Oo Ka Hadlay Safarkii Madaxweynaha Turkiga Ee Muqdisho Iyo Saamaynta Uu Ku Yeelan Karo Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

Wasiirkii Hore Ee Khaarajiga Oo Ka Hadlay Safarkii Madaxweynaha Turkiga Ee Muqdisho Iyo Saamaynta Uu Ku Yeelan Karo Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

maxamed(9)

Hargeisa-(Salaanmedia.com)- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa ka hadlay booqashada uu Madaxweynuhu Turkiga Recep Tayyip Erdogan toddobaadkii hore ku tagay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya iyo weliba sida uu u saamayn karo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya

Dr. Maxamed, oo uu u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu sheegay in booqashadani muujinayso sida uu Turkigu u danaynayo arrimaha Somaliya, isagoo sidoo kale sheegay inuu danaynayo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya. “Booqashada (Eeg Bogga 2aad)Madaxwaynaha Turkiga ee Somaliya oo ah tii labaad muddo yar gudahood waxay muujinaysaa ahmiyadda siyaasadeed iyo ta isyraatijiyadda fog ee uu Turkigu ka leeyahay Somaliya iyo mandaqadda Geeska Afrikaba.

Dhinaca wada hadalada Somaliland iyo Somaliya si wayn buu madaxwaynaha Turkigu u danaynayaa. Waxaa markhaati u ah kulankii uu la yeeshay madaxwayne Xassan Sheekh iyo madaxwayne Axmed Silanyo 14 April 2013 magaalada Ankara oo soo jiidatay indhaha caalamka.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi oo uu Geeska Afrika weydiiyay sida uu u arko booqashadaas iyo saamayntiisa wada hadalada Somaliland iyo Somaliya. Dr. Maxamed Cabdillaahi, wuxuu dawladda Turkiga u soo jeediyay inaanu keligii isku koobin wda hadashiinta Somaliland iyo Somaliya. “Haseyeeshee waxaa fiican in aanu Turkigu kaligii Isku koobin wadahadashiinta labada geesood, wadamada kalaba uu u ogolaadaa inay qayb ka noqdaan.” Ayuu yidhi. Maxamed Cabdillaahi, oo la su’aalay in dhexdhexaadnimadii Turkiga ee Somaliland iyo Somaliya ay weyd noqonayso marka la eego culayska uu saarayo Madaxweyne Erdogon dhinaca Somaliya, waxaanu yidhi “Waxa loo baahan yahay in la fahmo in ilaa imika Turkigu aanu ahayn dhexdhexaadiye (mediator) ee waa meel (venue) fududaysa in Somaliya iyo Somaliland ku kulmaan. Waana sababta keentay inaanu Turkigu culays wayn iska saarin fulinta qodabadii ilaa hadda lagu heshiiyay, waayo waxay dhexmareen uun Somaliya iyo Somaliland.” Maxamed Cabvdillaahi, oo la weydiiyay in dawladda Turkigu u muuqato inay xiisaynayso midnimadii burburtay ee Somaliland iyo Somaliya, wuxuu yidhi “Jacaylka Turkigu u qabo in la soo celiyo midnimo Somaliyeed maaha mid qarsoon. Laakiin maaha mid ay ku khasbayaan Xukuumadda iyo shacabka Somaliland.” Isagoo ka hadlaya mashaariicda uu Turkigu siiyo Somaliya iyo kuwa uu ka fuliyo Somaliland, wuxuu Dr. Maxamed yidhi “Dhinca kale markaad eegto waxqabadka Turkigu siiyo Somaliya wuu ka shilis yahay kana badan tahay ta uu siiyo Somaliland, waana arrin ka turjumaysa halka uu xoogga saarayo.”