Ciidanka Dawladda Soomaaliya oo Xidhay Askar ka Tirsan AMISOM

Ciidanka Dawladda Soomaaliya oo Xidhay Askar ka Tirsan AMISOM

Amisom

Muqdisho (Salaanmedia.com)- Ciidanka Ilaalada Waddooyinka dawladda taagta daran ee Soomaaliya, ayaa saddex askari oo ka tirsan AMISOM iyo baabuur ay wateen ku xidhay magaalada Muqdisho shalay, kadib markii ay shil ku burburiyeen laba gawaadhida raaxada ah iyo bas yar.

Mid ka mid ah gaadiidka qufulan ee dagaalka oo ciidanka AMISOM wateen, ayaa saddex baabuur ku jiidhay Isgoyska Zoope ee Muqdisho, kuwaasoo socodkooda iska watay markii ay shilka galeen, balse saraakiil ka tirsan ciidanka taraafiga oo joogay goob u dhaw ayaa qabtay askarta Midowga Afrika iyo gaadhiga ay wateen, isla markaana ku xidhay xarunta ciidanka waddooyinka. Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka ee Muqdisho, Cali Xersi Barre (Cali-gaab) oo la hadlay warbaahinta shalay

ayaa xaqiijiyay inay xabsiga dhigeen askarta AMISOM ee shilka galay, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay khalad galeen, kuna xadgudbeen sharciga waddo-marista.
Waxa kaloo uu sheegay in saraakiil ka socda taliska AMISOM ugu tageen xarunta ciidanka waddooyinka, kana codsadeen in askarta iyo baabuurkoodaba la sii daayo, diyaarna u yihiin inay wada-xaajood ka galaan khasaaraha saddexda baabuur ah ee ciidankoodu jiidhay.
Taliye Cali-gaab, ayaa xusay in askarta AMISOM markii dambe loo celiyey xoriyadooda, kadib markii taliskooda la ballamay in maalinta Sabtida laga wadahadlo shilka dhacay.
Waa markii u horreysay ee dawladda Soomaaliya xabsiga dhigto askar ka tirsan ciidanka AMISOM oo khalad sameeyey, arrintaasoo la sheegay inay soo dhaweeyeen qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Muqdisho.