Xoogaga Shabaab oo wadada u galay kolonyo ay la socdeen Ciidanka Militariga Kenya

 

image
Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay maanta weerar jid gal ah ay ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidanka Militariga Kenya, iyadoo dhinaca kalana ay guulo ka sheegatay Al Shabaab.

Kolonyada Ciidanka Militariga oo sahay ka soo qaaday Degmada Dhoobley, kuna wajahnaa Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa wuxuu weerar jid gal ah uu ku qabsaday inta u dhaxeyso Taabto iyo Qooqaani.

Taabto oo Qooqaani 30km u jirta, ayaa inta u dhaxeyso waxa uu dagaal qaraar ku dhex maray Ciidanka Kenya iyo Xoogaga Shabaab, iyadoo ilo madax banaan ay xaqiijinayaan in Ciidanka Kenya looga gubay hal gaari.

Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa sidoo kale dhankooda xaqiijiyay in dagaalkaasi ay ku burburiyeen mid ka mid ah gawaaridii dagaalka, ee ay wateen Ciidamada Kenya.

Afhayeenka waxa kaloo uu sheegay inay la’deen dhammaan askartii la socotay gaarigaasi, oo uu noociisu ku sheegay kuwa qufulan, ay wataan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaan sheegin khasaaraha dhankooda ka soo gaaray weerarkaasi, marka laga soo taggo inay ku dileen askar ka tirsan Ciidanka Kenya, kuna gubeen mid ka mid ah gaadiidkooda dagaalka.

Taliska Ciidanka Amisom ee Gobolada Jubbooyinka, ayaan wax war ah ka soo saarin dagaalka khasaaraha geystay, ee Shabaabku kula galeen inta u dhaxeysoSaTaabto & Qooqaani.

Salaanmedia/Mogdisho