SIYAASADA GEESKA AFRIKA IYO XALKA SOMALIYA UBAAHANTAHAY IYO BAAQ KU SOCDA RAYSALWASAARE CUMAR C C SHARMAARKE.

HABIIL

Waxaa muuqata in  Raysalwasaare cumar. c. sharmaarke ku wareersan yahay siduu isu waafujin lahaa baahida soomaaliya ee shacabka somaliyeed haysata iyo ujeedooyinka gaarka ah ee ay leeyihiin qaar kamida madaxda somaliya oo aad moodo urur gaara inay mudnaanta siinayaan iyagoo iskaba ilaaway dhibka haysta shacabka somaliyeed ee kukala daadsan geeska afrika qaxootina ku ah caalamka oo dhan ku dhibaataysan, gudaha dalkana inta badan shacabka somaliyeed mahaystaan  nolol maalmeedkii caadiga ahaa ee naftoodu ubaahnayd, shaqo la’aan baahsan oo dalka guud ahaan kajirta cid wax ka qabanaysana aanay jirin, dagaalo joogto ah oo ku soo noqnoqonaya gobolada shabeelooyinka iyo hiiraan oo aad moodo in madaxda dalku aanay danba ka lahayn inay joojiyaan, dhiiga daadanaya ee xaq darrada loo daadinayo si joogto ah oo aan xitaa loo naxaynin guryaha hooyooyinka soomaaliyeed ee lagubayo caruuraha guryahoodii laga qixinayo iyadoon dan laga lahayn dalka iyo dadkaba.                                                                                                                                  

XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA  WUXUU UGU BAAQAYAA IN RAYSALWASAARE CUMAR CABDIRASHIID TIX GALIN GAARA SIIYO SIYAASIYIIN KARTI U LEH INAY DHIBKA DALKA KA JIRA SHACABKA SOOMAALIYEED LA QAYBSAN KARA OO XALKA DALKA WAX BADAN OG SIDA LOO XALIN KARO LAGANA FOGAADO KOOXAYSIGA CUSUB EE DALKA MAALIN WALBA LAGA ABUURAYO, DAWLAD TAYO LEH IN LOOGA FADHIYO INUU SOO DHISO OO AAN SHARAFTIISA WAX UDHIMAYNIN.                                                                                                                                                                                                                                                                        

GUDOOMIYAHA XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA                                    

PHILOSOPHER; HAABIIL CABDI HAYBE.