MAANSO . SABOOL

gabay

31 / 1 / 2015

waxa  aan  salaamayaa  war  baahinta

madaxa  bannaan  ee  daacadda-ah

 

WAA  KEENE  IYO  KORDHIYE.

Keene . waaryaa  kordhiye saaxiib  waxa  aan  ku  wey  diiyay.

Kan  madaarada  haystaa  qaybta  khajilaaddu  miyaanay

Shaqaynin ?

Waayo  waxa  loo  dhiibay  adduun  samayn  kara  madaarada

S/LAAN  oo  dhan  dabeed  intuu  farsamays-tay  ayuu  haddana

Dawladdii  kuweyd  ee  ina  caawisay  dib  ugu  cawday

Haddana  mar  labaad  ayay  milyanno  inoogu  deeqday  .

Sidaa  darted  haddana  madaarkii  hargeysa  oo  qudha  ayuu

Dhammayn  kari  la,yahay .

Weliba  mar  aan  saaka  daawanayay  waxa  uu  sheegay

In  kharashkii  gaadhi  waa  yay  dabeedna  xukuumaddu

Ay  lacag  badan  kordhisay  waa  wax  laga  xishoodaa.

.

Kordhiye . saaxiib  waa  bahda  la  yidhaa  ma  khajilayaal

Way  arkayaan  inay  xunyiin  inay  tuug  yiin  inaanay  u qalmin.

Madaxnimo  inay  sabool  yiin  inta  badanina  soo  mareen

Caydhii  gaha  iyo  sablaale  ooy  weli  xasuusan-yeen.

Malaa  sidaa  darted  yaa  ugu  wacan.

Haddaba  saaxiib  waa  sidaase  afartiina  aan  raacsho.

Maanso  la  yidhaa  sabool .

Sirqo  waxay  dadkaba  moodaysaa

Wada  sideedaase.

Sikhigii  kuweyd  xooluhuu

Qurux  inoo  siiyay.

Samays-kii  madaarada  ku  yidhi

Saani  ugu  qayda.

Sancadooda  tii  fulin  lahayd

Saayidna  u raacshay.

.

Sabool-kii  ha  maamulo  la  yidhi

Seeman  kaga  yeelye.

Qof  waddaniyad  aan  sidaninoo

Seegan  buu  yahaye.

Malaayiin  sidoodii-yabuu

Geeyay  suuq  kala,e

Saakana  anaa  qaar  ku  daray

Seeska  iyo  buurta.

Waa  si  laga  xishoodaa  warkuu

Siina  yaa  shacabe .

.

Sagsaag  iyo  inuu  tuugba  yahay

Waa  la  saxa  yaaye .

Sanbal-kaa  ayaa  dawladdii

Heeryadaw  sida,e

Soddon  weeye  noocaa  wakhtigu

Qoorta  kuu  sudhaye.

Sarkaal  kooda  weyn  iyo  ilaa

Sixirka  baal  taagan.

Sunta  weeye  lagu  daadiyee

Suulshay  qaran-kiiye.

 

Mahadna  (ALLAA )  iskale .

Waa  keene  iyo  kordhiye.