MUJAAHID CALI GURAY OO UJAWAABAY BAASHE MAXAMED FAARAX

MUJAAHID CALI GURAY OO UJAWAABAY BAASHE MAXAMED FAARAX

Cali-Guray

 (Salaanmedia.com)  halkan hoose ka daalaco jawaabta uu cali guray ka bixiyay hadaladii ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha wakiilada 

Eeg waxay qabaan in sababta ay guurtidu isaga fadhidaa tahay sharcigii lagu bedeli lahaa ee ama lagu dooran lahaa ama lagu soo xuli lahaa aanu ilaa hadda jirin. Taasina ay u suurto gelisay in ay iska joogaan ilaa 1997kii. Sidaa daraadeed hadii aanay sharciga qabyo tirin ay iyaguna iska fadhiyi karaan. Laakiin waxay moog yihiin in sharcigii iyaga lagu doortay uu jiro oo isagii yahay ansax (legally binding) mar hadii aanu jirin wax kale oo bedeli karaa. Marka uu Madaxwayne danta ummadda iyo rabitaanka shacbiga uu madaxwaynaha u yahay qiimaynayaa jiro wuu kala diri karaa oo sharciga aanay sheegayn ee iyaga u ogol inay intii ay doonaan joogi karaan, ilayn hadii muddo xileedkoodu
yahay shan sanadood oy sax ay tahay inay toban sanadood fadhiyi karaan wax u diidaya inay labaatan sanadoodna fadhiyi karaan ma jiro eh, sharcigaasi
Madaxwaynahana uma diidayo in uu kala diri karo iyaga oo fadhiya toban sanadood.

Keliya waxay ku xidhan tahay shakhsiga markaa ah Madaxwaynahu in uu yahay marka uu ka eego dhinaca danta qaran iyo rabitaanka shacbiga oo ayu ognahay in aanay danta qarankuna ku jirin, rabitaanka shacbiguna ahayn in ay iska fadhiyaan intii ay doonaan. Lakiin nasiib darradu waxay tahay Madaxwaynaha maanta xilka hayaa oo aan sidii Madaxwaynihii ka horeeyay aan go’aan adag qaadan karin. Waana halkaa dilada ay haystaane hadii uu Madaxwayne danta dalka iyo dadka danaynaya ahaan lahaa iyagoo shan sanadood la doortay may dhacdeen in ay toban sanadood iska fadhiyaan. Waana nasiib darro laakiin ha iska fadhiyaan doorashada madaxtooyada ayaynu culayska saari si uu kani meesha uga baxo ku cusubina u yimaado bal in ay maal keliya sii fadhiyaan. WAANAY IMAN HADII ALLEH YIDHAA OO IYAGA OO SANKU U DALOOLO AYAY INA DHAAFI HADII ALLEH YIDHAA WAANAY OG YIHIIN CID DIB U SOO DOORANAYSAA IN AANAY JIRIN OO WAY OG YIHIIN CIILKA SHACBIGU U QABO Waxa ka daran ka hadlaya cid soo dooratay iyo cid uu wakiil ka yahay midna ma jirto kurisigiisa is xambaarka ihi sedex kursi buu ka galaaftay reerkiisa oo wuxu raali ku ahaa ilaa maantana ku yahay in Dhulbahante todoba kursi ku yeesho Golaha uu isku sii dhejinayo iyagaa oo heli kara hadii doorasho dhacdo inta ay xaqa u leeyihiin oo dhan oo laga yaabo beelaha dhegooda inay ka badsadaan mooyee in aanay marna ka yaraysanin ilayn waa la is yaqaan eh.”