Baro 12-ka Bilood ee Sanadka Waxa Soomaali Lagu Yidhaahdo

Baro 12-ka Bilood ee Sanadka Waxa Soomaali Lagu Yidhaahdo

Sanadka

Soomaalidu waxay ka mid tahay umadaha uu aad ka u saameeyay isbadala aduunka ka dhacay gaar aahan marka laga hadlayo tirsiga sanadaha, bilaha, maalmaha dodobaadka.
Qormadeenan maanta waxan kuso qaadan doonaa bilaha sanadka iyo waxa bil walba soomaliga looga yaqaano maadaama oo wakhtiyadan danbe aad moodo in la ilaabay ama aanay dad badaniba garanayn waxa bilaha sanadka afsoomali loo yaqaano.
Fiiro gaara: bilaha soomalidu waxay ka kooban yihiin 12 bilood oo ku jira 4 xilli,waxaanu xili walba ka kooban yahay sidaad qormada ku arki doontaan 3 bilood. hadaba si ay akhristayashu si fiican ugu fahmaan waxan soo qaatay afartii xili sida: Guga,Dayrta,Xagaaga iyo jiilaalka sidoo kale waxa iyana xusan xili walba 3 da bilood ee uu ka kooban yahay.
Guga
1)Seerma-weydo (30 cisho)
2)Cawl (31 cisho)
3)Dirir sagaalaad(30 cisho)
Dayrta
1) Dayr hololeed (30 cisho)
2) Gudban (31 cisho)
3) Danbasane (30 cisho)
Xagaaga
1)Samalaho (31 cisho)
2) Bil karameed (30 cisho)
3)Waran-weer (31 cisho)
Jiilaalka
1)Xays (30 cisho)
2) Toddob (31 cisho)
3)Diraac (30 cisho)
Xigasho: barnaamijka ka mid ah barnaamijyada hidaha iyo dhaqanka ee laga duubay abwaaan muuse cali faruur.