Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii Shanaad Wasiiradii Beeshiisa Kasoo Jeeday Kor Uga Qaaday Seefta iyo Aragtida Bulshada Somaliland(Faallo).

Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii Shanaad Wasiiradii Beeshiisa Kasoo Jeeday Kor Uga Qaaday Seefta iyo Aragtida Bulshada Somaliland(Faallo).

Ziilaanyo

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),ayaa isku badelkii , xilka qaadistii iyo Magacaabistii shanaad ku sameeyay Golihiisa Xukuumada tan iyo intii ay uu soo dhisey xukuumadii u horeysay, isagoo aan xagooda dayin Wasiiradii kasoo jeeday beeshiisa gaar ahaana kuwa sida aadka ah loo hadalhayo inta badan oo ay kamid Yihiin Wasiirada Macdanta iyo Tamarta,Duulista Hawada iyo Madaxtooyada, taas oo noqoneysa markii shanaad ee nooceeda ah oo aan dhinacooda loo kicin Wasiirada beesha Madaxweynaha kasoo jeeda.

Inkastoo Warsaxaafadeedka Kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee Xilkaqaadista Iskubadelka iyo Magacaabista Madaxweynaha Somaliland soo baxay saacidihii lagu yaqaanay, ee niska habeenimo iyadoo, ay ku beeganto had iyo jeer xili dadweynaha intiisa badani ka hurdo hadana, shaki kuma jiro sida ay u hadalhayaan dadka

u kuurgala Siyaasada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo in bulshada Somaliland inteeda ugu badani fkir culus ka qaadan doonto,taas oo ceeb iyo nusqaan usoo jiidaysa Beesha uu kasoo jeedo Madaxweynuhu sababta oo ah arimaha isku shaandheynta,iyo Xilkaqaadista Madaxweynaha Somaliland ay mar walba uga badbaadayaan Wasiirada loogu hadalka badan yahay ee kasoo Jeeda Beeshiisa oo iyagu isu muujiya in ay talada hogaanka dalka ee Wakhti xaadirkan Siyaasada Madaxweynuhu ku wado wax ku leeyihiin islamarkaana, had iyo jeer laga dareemo awoodaha ay talada dalka ku leeyihiin,Wasiir Xirsi,Maxamuud Xaashi,iyo Xuseen Cabdi Ducaale,oo aan marna laga badelin Wasaaradihii horaantii loo magacaabay Golaha Xukuumada lasoo dhisay.

Arimaha kale ee iskushaandheynta iyo xilka qaadistan Madaxweynuhu ku sameeyay Golihiisa Xukuumada ka muuqda waxa siweyn looga dareemayaa Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland,Cali Wrancade oo kamid ahaa Wasiirada dhaliilaha ugu culusi ku gedaanaayeen oo aanu u juuqin iyo,Taliyayaasha ciidanka qaarkood oo la filayay in ay xilkii Qaranka u gudan waayeen sidii la rabey oo aanu ku darin halka uu ka doontey Ciidamada Badda,Asluubta iyo meelo kale iyo xubno kale oo iyaguna katirsan Golaha Wasiirada waxaana arimaha ugu waaweyn ee Digreetadan caawa soo baxdey ka dhex muuqda ama laga dheehan karo kamid ah in Wasiirada uu Xukuumada uu ku lahaa Wasiirka Madaxtooyada ee had iyo jeer loo tiriyo in isagu Golaha Xukuumada kusoo darsadey, oo ay Kamid yihiin Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryenta,Warfaafinta,Beeraha iyo kuwa kale aan midkoodna la taaban marka laga reebo laba Wasiir Kuxigeen oo laga kexeeyay Wasaaradihii ay hore ujoogeen.

Sikasta oo ay talaabadan kasoo baxdey Madaxweynuhu taheyba Waxa iyaduna calaamad su,aal badani dul taalaa iskubadelka labada Wasiir ee Wasaaradaha Waxbarashada iyo Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Samsam Cabdi Aadan, taas oo Laga yaabo in ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo laf jab culus ku keeni doonto hadii Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Samaale, oo Siyaasada Madaxweyne Siilaanyo xiligii Mucaridka iyo Wakhti xaadirkanba saamayn adag ku lahaa ku gacan seydho Wasaarada uu u badelay maadaama aanu xiligan ku lahayn wax goldoloolooyin ah oo kaga yimid dhinaca dhaqaalaha dalka, Dhismayaal badan oo uu fuliyay iyo Waliba Ganacsatada iyo Cashuuraha oo uu nidaam sax ah u jeexay iyo Miisaaniyada oo uu kordhiyay marka loo eego maadama ay ganacsatada Xidhiidh fiican iyo aqoon durugsan isu lahaayeen,,iyadoo ay arimahaa u dheer yihiin Wasiir Samaale oo Madaxweyne Siilaanyo u xambaariyay dagaalo badan oo uu isaga daraadii ku kasbadey iyo waliba Gobolka uu kasoo jeedo oo inta ugu badani daraadii ku ayidsaneyd wakhtiyadan dambe Xukuumada,taas oo ay rumoobayso in Madaxweyne Siilaanyo iyo Qoyskiisa lataliyaa ay Cabdicasiis Samaale la damceen in ay mariyaan Wadadii ay hore u mariyeen Siyaasiyiintii Gabiley kasoo jeeday,ee qaarkood Kulmiye kula soo dagaal galey islamarkaana, laga kexeeyay Hay,adihii ay ka shaqeynayeen oo xilal qaran ayaamo kooban loo dhiibay halka ay ku dambeyn doonaan isabdelka Xiligan.