MAANSO . MAANTA YAA LIXLE UDIRA

maanso1 /3  / 2015

waxa aan salaamayaa war baahinta

daacadda ah

WAA KEENE IYO KORDHIYE.

KEENE. Waar yaa kordhiye saaxiib waxa la yidhi ujeedadii

Wasiirada iyo kuwa kale  laysugu beddala -yay waxay ahayd

Laba ninoo ka codsaday adeerkood  oo yidhi annagu miyaanaan

Reerke ahayn maxaa meel  wax laga cuni karo naloo geyn waayay

Wakhtigina wuu kaa dhammaana-yaa .Runtii wana la geeyay .

KORDHIYE. Saaxiib  waxa la egayay  in  saddexdii bahal  ee hore

La taabta,e dadku waxay la yaabeen in laba kale lagu soo daray

Oo labaduba ku fashikeen  xilalkii hore  ee  loo dhiibay.

.

Immikana saaxiib waa afartii.

MAANSO  la yidhaa . maanta yaa LIXLE udira

Doofaara badaniyo dhawr dumarabay hodan

U danbeedda xidhan-too.

Doob nacasa iyo oday iska daalanoo dhacay

Iyo jidhif ku dedan bay ku dulmaala-yaanoo.

Inta kalena dedafays iyo waxaan 

Dan laga gelin.

Waxa taana kaga daran .dulin iyo dhul didibaa

Dabar laysu saaroo.

Degaan-ta caws iyo markay  daaqi  weydee

Afartuba dabool meen.

Deg-dhawbaa ku maqan iyo inlasoo  deldela-oo

Dubad keeda waax yaha . hadba laga dul heesoo

Shaashad layska daawado.

Dulmi inay ku sugantoo.geesigii difaaciyo

Daacad-nimo ku wadi laa .maanta inuu derbiga yaal.

Uu ka baqayo diririyo qax kaloo dilaacoo.

Xarshin iyo darooriyo hawd-kii la daatoo.

Intay buul yar deyraan. Bac yaroo dul taalana

Ay dabayli qaadoo.wax kastaa durreeyaan.

.

Dawarsiga shisheeyaha. Iyo gaalka dabayana.

Dalbadaan sidoodii. Inay digir gabaw-diyo.

Ka helaan wax duugoo. Dawadii dhammaa-tiyo.

Qudhin loo daldala oo. Badi ay ku duugmaan.

Dalki inuu sidaa yahay. Balse aanu weli dumin.

Doobir-baynnu leenoo. (RAXMAAN)kayna daba qaban.

.

Dagaal-kii qadhaadhaa  ee calankan dahab kii

Maanta ina dul sudhan yahay.

Ku wii aa wadii degey daadahay-say geeridu.

Maanta inuu darxuma iyo hagaf-yadu ku doobyaan.

Denbigood ha dhaafoo. (ILAAHAY) dadkeenii

Ku wii samada loo diray .deeqdiisa fara badan.

Janno ugu duceeyee. Darkan ay ku furan tahay.

Maanta yaa .LIXLE . UDIRA.

INAY DOQONI MAASHOO WIXII TOODA  DIIDANA

  1. DULJOOGAAN MAANTA YAA LIXLE U DIRA.

WUXUU DOONAYOO LUMAY MAANTA YAA LIXLE UDRA.

Mahadna (ALLAA) iskale

Waa keene iyo kordhiye.