Waftigii Somaliland Ee Turkiga Oo La sheegayo in Lagu Qancinaayo In Kulanka Ay Aqabalaan Iyadoo Laga Mamnuucaayo Saxaafada + Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Oo Fariin Qoraal ah Oo Digniin u Diray Madaxweyne Siiraanyo.

Waftigii Somaliland Ee Turkiga La sheegayo In FAYSAL-CALI-WARAABE-AADawlada Turkigu Ku Qancinayso In Ay Kulanka Aqabalaan u dhexeeya iyaga iyo Somaliya Iyadoo Laga Mamnuucaayo Saxaafada. Sababta Saxaafada Looga mamnuucayo ayaa ah in Waftiga Somaliland Ay diideen In ay la fadhiistaan Waftiga Somaliya iyaga oo Ay La socdaan Xubno ka soo jeeda Somaliland.
faysal
Sidoo kale Waxaa la sheegayaa In gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Hadeer ku sugan Dalka Denmark Uu Uga diray Waftiga Jooga Turkiga In Ay yeelin Waxa uu ku sheegay Shirqool Siyaasadeed Oo La rabo in lagu Dumiyo Qaranimada Somaliland.
Shirqoolkan Siyaasdeed Ayaa Gudoomiyuhu uu ku sheegay in Hadii Ay Waftiga Somaliland Aqbalaan In ay La kulmaan Waftiga Reer Somaliya iyada oo Ay ku jiraan Xubno Shan ah oo Asal Ahaan ka soo jeeda Dalka Somaliland Ay noqonayso Khiyaano Qaran.

Sidoo kale waxa uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe isku dayey in uu La xidhiidho Madaxweynaha Si Uu uga digo Shirqoolkan Dawlada Turkigu Wado Se nasiib Wanaag Muu helin Taa badalkeediina Waxaanuu u diray Qoraal uu madaxweynaha kaga dalbaayo in Waftiga uu amar soo siiyo uu kaga dalbaayo in aayna la fadhiisan Reer Somaliya. Qoraalkiina waxa uu u dhiganaa isaga oo kooban sida tan:

“Mudane Madaxweyne Waxaan kugula Talinayaa in Aad Amarto Waftiga Somaliland Ee Ku sugan Istanbul in ay shirka Iskaga Baxaan . Shirkan Oo Marka horeba Ay Qalad Ahayd In laga Qayb galo Mar hadii Ay Turkigu Ogolaan waayeen In ay Ka Soo Qayb Qaataan 6 dii(Lixidii ) Wadan Ee lagu Hisheeyey iyo Jabuuti. Iyada oo Ay Tasi Jirto ayaa hadana Lagu Soo Daray 5 (shan) Xubnood oo Ka soo jeeda Somaliland. Ajenduhuna Yahay in Dawladii Dhexe Oo la Hadlaysa Dawlad Goboleedka Somaliland. Aritaas Waxay Dhabar Jaban ku tahay Qaranimada Somaliland sido kalena Haday dhacdo Madaxweyne Waxay kugu noqonaysaa Khiyamo Qaran”


Allah Mahad leh
Eng Faysal Cali waraabe
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid.