Cabdi Aw Daahir Raganimada Samaale Ma Yeelan Doona Mise Waa Wasiirka Haweenka

Wasiirka-xanaanadda-xoolahaCabdi Aw Daahir Raganimada Samaale Ma Yeelan Doona Mise Waa Wasiirka Haweenka
A/A Dhamaan Waxaa Maalmahanba La Hadal Hayey Isku Shaandhaynta Ka Soo Baxdey Xafiiska Siilaanyo Labadii Habeenimo Isku Shaandhayntaasi Waxey Galaafatey Oo Si Weyn Uga Dhex Muuqday Wasiirka Shilis Ee Markiisi Horeba Lahaa Darajada “A” Oo Ah Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale Runtii Samaale Wasaarada Maaliyadda Heer Aanay Hore U Gaadhin Buu Gaadhsiiyey Korna U Qaadey Dhakhliga Miisaaniyada Qaranka Oo Uu Sanad Wabla Kor Uga Sii Qaadayey Sanadkii Hore Hadaba Iyada Oo Sidaas Ah Ayuu Islamarkaana Wasiir Samaale U Dheeraa Hawlaha Wasaarada Tartan Siyaasadeed Oo Aan Noociisa Hore Loo Arag Oo U Dhexeeya Isaga Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Muuse Biixi Kaas Oo Ilaa Hada Uu Ku Gacan Sareeyo Samaale Madaxtooyada Oo Tageersan Muuse Biixi Kana Xun Shacbiyada Samaale Ayaa Ka Dambeeyey Xil Ka Qaadista Samaale Si Ay Lugta Ugu Qabtaan Muuse Biixi Oo Taahaya Balse Samaale Oo Gartay Jabka Lala Maaganyahey Ayaa Si Raganimo Leh Xilka Iska Casilay Si Aanay Magac Xumo Ka Raacin X ilka Cusub. Aan U Soo Noqdo Cinwaanka Qoraalkan Cabdi Aw Daahir Oo Ahaa Wasiir Ku Dhawaad Labaatan Sano Isaga Iyo Wasiirka Kale Ee Ay Wadaagaan Wasiirnimada Joogta Ah Ee Aan Han Ka Sareeyaba Lahayn Waa Cali Warancadde’e Labadan Nin Oo Wasiiro U Ahaa Cigaal Riyaale iyo Siilaanyo Wasiir Cabdi Aw Daahir Oo Markiisi Horeba Wasaarad Jilicsan Loo Dhiibay Oo Ahayd Wasaarada Xanaanada Xoolaha Isaguna Ku Qanacsanaa Oo Uu Weliba Guulwadeyn Xad Dhaaf Ah Ugu Daray Siilaanyo Ayaa Haatana Loo Bedelay Wasaarad Khaas U Ahaan Jirtay Haweenka Oo Ah Wasaarada Ariimaha Qoyska Oo Badi Ku Shaqo Leh Gudniinka Fircooniga FGM Iyo Wax Aan Loogu Talo Galin Nin Raga Inuu Ka Hadlo Ama Dhex Fadhiyo Taas Oo Hadii Uu Qabto Cabdi Aw Daahir Oo Horeba U Ogolaadey Wasaarado Hoose Laga Yaabo Inay Dhaxalsiiso Magac Xumo Aanuu Ka Soo Waaqsan Doonin Isaga Iyo Reerka Uu Metelo Reerkaas Oo Horeba U Saluugsanaa Saami Qaybsiga Wasaaradaha Oo Laga Ilaaliyo Beesha Wasaaradaha Dhakhliga Culus Leh Sida Maaliyadda Iyo Waxbarashada Iyo Caafimaadka Ayaa Hadii Loogu Darro Wasaarada Haweenka Uu U Hanqal Taagayo Cabdi Aw Daahir Noqonaysa Ceeb Iyo Bar Madow Ku Ah Magaca Milgaha Iyo Sharafta Leh Ee Uu Huwanyahey Kaas Oo Ah Sababta Loogu Dhiibay Xilka Haweenka Si Loo Sii Bahdilo Isaga Laguna Karbaasho Beesha.

Axmed Cali

scaynaashe@gmail.com