Shantii soomaaliyeed oo afar ka mid ahi samaysatay gole la yidhaahdo akadeemiyad goboleedka afsoomaaliga ”AGASOM”.

maqaalShantii soomaaliyeed oo afar ka mid ahi samaysatay gole la yidhaahdo akadeemiyad goboleedka afsoomaaliga ”AGASOM”.

Afarta gobol ee samaystay golaha Xamar laga maamulo, uma dabranaan doono afka soomaaligu. Manaaha mid uu hanan karo hoggaamintiisa, si uu u hagaaso.

Afka soomaaligu waxuu ahaa shayga qudha ee ka madaxbannaanaa siyaasadaha qalloocan, ee aan ka baxsanaynayn qabyaaladda, iyo xinka, iyo karaahiyada. Marna may dhici jirin in afka soomaaligu noqdo mid loo adeegsado dano siyaasadeed, iyo colaad hurin ka dhex dhaca iskaashiga afka soomaaliga ku suntan, ee isirka soomaaligu daggan yihiin.

Waxuu in badan ka nabadgalay dhaawacyada bulshooyinka soomaalida gaadha, waxuu ka caafimaad qabay qoqobnaanta dadka ka haysata xadhig maranka iyo qabyaaladda.

Waxuu afka soomaaligu ahaa, mid awooddiisa ku meel mara, oo aan u dabranayn cid, si gaara u maamusha, ama dano siyaasadeed ku hoggaamisa.

Maamulka xamar waxuu noqday mid ku dhiirrada in afka soomaaliga laga dhigo mid ay ku yimaaddaan dhaawac aan laga soo kaban karin, oo kala geeya shicibka soomaaliyeed, ee daga shanta soomaaliyeed ee bahwadaagta ku ahaa horumarinta iyo daryeelka afka soomaaliga.

Waxay horseedeen dhibaato aan dawo loo heli doonin, iyo in afka soomaaligu soohdimo kala yeesho, loogana taliyo deegaammo siyaasadaysan.

Waxay afka soomaaliga u garteen in uu noqdo, mid siyaasadda iyo himilada maammulladu xakamayso, horumarintiisana ay ku tilmaamaan in siyaasad goboleed looga arrin sado.

Maaha markii u horraysay, ee xamar laga maleego hagardaamooyin dano siyaasadeed ku salaysan, oo afka soomaaliga lagu curyaaminayo. Manaaha markii u horaysay, ee ay isku dayaan in aan afka soomaaligu tisqaadin, oo uu dhaawac ka soo gaadho iskaaashiga aqoonyahannada iyo suugaanlayda afka soomaaligu.

Somaliland marna la yeelan mayso xidhiidh, ku saabsan horumarinta afka soomaaliga iyo suugaanta afarta qobol ee kale, maadaama ay aftaasi gobol samaysteen gole ay ka maqantay, oo ay iyagu bahwadaag ku noqdeen, ayna si gaara uga arrimiyaan waxay ku sheegeen ”AGASOM”, ee ay ku yagleeleen magaalada Muqdisho.

Somaliland waxay ka tala baxday inay xidhiidh la yeelato, gobolada kale ee isu doortay, inay afka soomaaliga yihiin bud_dhiggiisa. Waxaanay si cad u sheegaysaa, inaanay aqoonsanayn golahaasi isxambaarka, iyo beenta isku abaabulay.

Somaliland waxay si buuxda oo aanay cidna la qaybsanaynin, u hormarinaysaa afka soomaaliga, una samaysatay golaha Akadeemiyadda Carriga Afsoomaaliga” ACASOM”, oo guddigiisa la magacaabi doono.

Somaliland waxay ku koobnaan doontaa inay xidhiidh la yeelato oo keli ah, golaha qalinlayda somalialnd , iyo akadeemiyadaha madaxa bannaan ee ka dhisan daafaha dunida.

Somaliland waa qaran aan u baahnayn, in afka soomaaliga dad dano siyaasadeed ka lihii ugu soo gabbadaan jiritaankeeda.

Afka soomaaligu mid maamul sheegto taladiisa maaha, mana noqondoono.

Mr. Paul Paulson

Paul72222@gmail.com

Hargaysa Somaliland.