Akhri: Sababihii Keenay Xilka Ka Badelidii Samaale + Baahida Weyn Ee Madaxtooyaddu Ka Leedahay Magacaabista Samsam Ee Maaliyadda + Odhaahda Siyaasiyiinta + Dareenadda Murugadda Leh Ee Ku Duugan. Qaybta 1-aad.

SamaaleeHargeysa [SM]- Wakhti waliba waayihiisa ayaa ku lamaan. “Siyaasaddu saaxiib joogto ah malaha. Laakiin dan joogto ah ayey leedahay”. Waa Hawl ku dhiga ama hal-beega lagu cabiro is-bad badelka iyo gabi dhacleynta siyaasadda. Waxa 

 hal-beegan kuu cadaynaya marka aad aragto siyaasiyiin galinkii hore ee maalinimo saaxiib dhow ahaa oo ka dambana cadow kala fog ah.
Akhriste, waxa aanu arinkan uga socdaa ama aan uga dan-leeyahay mowduucan aan ciwaanka uga dhigay.
Akhri: Sababihii Keenay Xilka Ka Badelidii Wasiir Samaale + Baahida Weyn Ee Madaxtooyaddu Ka Leedahay Magacaabista Samsam Ee Wasaaradda Maaliyadda + Odhaahda Siyaasiyiinta + Dareenadda Murugadda Leh Ee Ku Duugan.
Sababihii Keenay Xilka Ka Badelidii Wasiir Samaale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], ayaa saq-badhkii habeenkii xalay ahaa taariikhdu-na ahayd 01/03/2015. Uu wareegto uu soo saaray isku shaan-dhayn ballaadhan oo isugu jirta badelid eryid ku sameeyey golaha Wasiiradda xukuumaddiisa, Agaasimayaal iyo taliyeyaal ciidan.
Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta wax ka badelka lagu sameeyey xilalkooda. Isagoo Mr Samaalle si cad u diiday qabashadda xilka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo uu Madaxweynuhu u magacaabay. Kadib markii uu ogaaday sababaha ka dambeeya xil wareejinta lagu sameeyey. Sida ay ilo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Shabakedda Wararka ee Qumannews.com.
Wasiir Samaale oo maalihii u dambeeyey ku sugnaa magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer, ayaa sida ilahani noo sheegeen Wasiir Xirsi u raacay shir-beelleed ay ku lahaayeen beesha Madaxweynuhu halkaas. Ka qaybgal kadib, waxa uu Wasiir Xirsi u sheegay ergooyinkii beeshiisa ku sugnaa inuu Wasiir Samaale yahay musharaxa dhabta ah ee beel ahaan iyo Madaxtooyo ahaan-ba ay wataan, marka uu dhammaado muddo kordhin uu Wasiir Xirsi sheegay inuu Wasiir Samaale ay isku og-yihiin inuu beeshiisa ka soo dhameeyo. Sidaa darted-na ay beel ahaan sidaas u ogaadaan, kuna go’aan qaataan. Iyadoo ilahani xaqiijiyeen inuu Wasiir Samaale-na u xaqiijiyey shirka.
Intaa Wixii ka dambeeyey Maxaa Dhacay ?.
Waxa dhacay, in Marwadda Madaxweynuhu si toos ah ula soo hadasho. Wasiir Samaale oo ay ugu bushaarayso hadalka ficilka huwan ee uu shirka kala kulmay. Taa badelkeedana looga baahan yahay [Samaale] inuu dufaacaddo xilka wasiirnimo iyo kan balan qaadka ah ee musharaxnimadda xisbiga KULMIYE loogu balan qaaday shirka beesha hortiisa. Madaxtooyo ahaana ay Wasiir Xirsi la ogaayeen kunala socdaan, kunala taageersan yihiin. Mawqifka Madaxtooyaddu-na sidaas yahay.
Maxay Wasiir Samaalle fartay Marwadda Madaxweynuhu?. Waxay fartay inuu hadda la hadlo Tv-ga qaranka oo uu diyaar u yahay Wariye Muniir Axmed Cigaal, isla markaana uu si toos ah u weeraro Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro. 
Wasiir Samaalle Ma Ogolaaday fariinta Aamina Waris mise waa diiday ?. wuu ogolaaday waxaanu si toos ah ama shakhsiya u weeraraye  Cabdiraxmaan Cirro oo ay in badan saaxiib dhow ahaayeen Madaxtooyaddu-na aad uga shakisnayd inuu xidhiidh wadda shaqaynayneed ka dhexeeyo labadooda. Isagoo ku dhaliilay muddo dhaafka kursiga baarlamaanka ee uu ku fadhiyo iyo diidmada Cirro ee muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha mudo dhamaadkiisa ka dib. Iyo waliba arimo kale oo badan.
Iyadoo arimuhu sidaas ay u dhaceen ayuu Samaale-na ogaaday markii arintan lagu sameeyey in laga qaaday xilka Wasaaradda Maaliyadda ee uu hayey iyo waliba inay tallaabadan lagu caysiiyey Cirro inay ka wadda socdeen Xirsi iyo Aamina Waris. Isla markaana aaanay waxba ka jirin wixii uu shirka beesha Madaxweynaha ee uu Burco uu kala kulmay. Isla markaana ay tahay faji loo dhigay si uu seego hadii uu casilo inuu saaxiibkii ama xisbigiisa ku biiro, isla markaana uu meel cidlo ah isku taago. Waa sababaha keenay inuu Samaale diido qabashadda xilka loo wareejiyey.
Dhanka kale, waxa ay ilahani ay noo xaqiijiyeen inay dhowaan ay Marwadda Madaxweynuhu waydiisay Samaale lacag dhan 2 Milyan oo Dollarka Maraynkanka, taasna uu ka diiday.
Baahida Weyn Ee Madaxtooyaddu Ka Leedahay Magacaabista Samsam Ee Wasaaradda Maaliyadda.
Baahida ay Madaxtooyadu u qabto qabashadda Samsam ee xilka Wasaaradda Maaliyadda, ayey ilahani noo sheegeen inay tahay sidii ay Madaxtooyadu ugu sahlanaan lahayd lunsiga ama qaadashadda dakhliga dalka, si ay xukuumaddu dhaqaalaha dalka ugu baabiin lahayn uguna isticmaali lahayd diciifinta iyo wiiqinta cududa mucaaradda ah ee ka soo wajahaysa asxaabta mucaaradka ah ee dalka.
 
Lasoco qaybaha dambe