QAYBTII AFRAAD EE XIDHIIDHKII DHEX MARAY MADAXWAYNE AXMED SILAANYO IYO MADAXWAYNHII HORE EE DAHIR RIYAALE MUXUU DARAANA BY; FAISAL FARAFIDIYE

maqaal

Waxaan halkan idinkuu soo gudbinayaa qaybtii afraad ee xidhiidhkii joogtada ahaa ee dhex maray madaxwayne Axmed Silaany iyo Madaxwaynihii hore ee Daahir Riyaal ee is waraysiga iyo uur xaadhashada isugu jiray.

 
Daahir Ryaale;
Madaxwayne waan ku salaamay, beryahan waynu kala baadnay ee bal waran oo xaalka dalka ka waran.
 
Axmed Silaanyo;
waad salaamantahay madaxwayne, waa ruun oo beryahan waannu mashquulsanayn oo waanigii u baxay socdaalkii taariikhiga ahaa ee la magac baxay BUURTA IYO BAANAANKA Ilaahay mahadiina guul baanu ka gaadhnay.
 
Daahir Riyaale;
Haa ma waxaad sheegaysaa socdaalkii  SIIGAALE  ee ka danbeeyay socdaalkii hore ee DHAGAXANYAALE,
Waxaa la filayay inaad gobolka awdal gacanta soo mariso oo aad habeen Dila u hoyatid, Saylacna habeen u hoyatid,Lughayona habeen u hoyatid, Bakina habeen u hoyatid, Boraman habeen u hoyatid oo aad qudaxda oo dhan ka gurtid cabshooyinkoodan isla meel dhigtaan laakin nasiib darro waxaa dhacday inaad qodaxdii ku sii fogaysay markaad Hoyitaanka Wajaale ka door biday iyana Siigo uun ku hafisay.
 
Waxaa kale oo la filayay inadun Reer Sool gondaha is dhigtaan oo iyana aad muddo ku nagaatid oo aad Taleex,Xudun,Kalabaydh,Widhwidh iyo Boocane cagta soo marisid oo googasha isu dhigataan laakin nasiib darro waxaa dhacday inaad Caynaba ka door biday iyana magaalooyinka tegtan iska daaye Laascaanood inaad ku nagaan wayday oo aad Siigada ku hafisay.
 
Axmed Silaanyo:
Adeer miyaanad arkaynin sidii diraanayd iyo soo dhawyntii la ii sameeyay. mucaaridnimada iska daa dardar cusub baan ka qaaday.
 
Daahir Riyaale:
Soo dhawayntee ma waxaad arkaysa 30 kii wasir, 40 kii agaasime, 30 kii maareeye, 10 kii Wasiro dawle, iyo 10 kii la taliye , , shaqaal ah iyaka hadalkoodba daa oo muddo xafisba lama furin ee meel kasta kaga sii horaynayay, soo dhawayntii Balidhiig Cali waran cadde, Cukuse iyo Cabdo Aayir baa safka hore ku jiray ee miyaanaad arakaynin.
Magaaladee baa xagga soo dhawaynta ugu fiicnayd, tee baan kugu darayd mudane madaxwayne?
 
Axmed Silaanyo;
waxaa ugu fiicnaa Degmada Cali Ciise iyo Degmada Xaaji Saalax waayo maan ka filaynin soo dhawayntaas oo kale
Waxaa igu darnayd Degmada Shiikh oo dhagxantaa meelahaa aanu dhigayno dhibteeda bay leeyihiin, dhaxaan aanu dhignay 2012 kii oo aanu ilawnay bay na dul geeyeen oo ay yidhaadeen Madaxwayne waa kuwan kuwii hore ee maantana ma qaar kale baad wadaa oo aad noo dhigaysaa arintaasi af kala qaad iyo argagax bay nagu noqotay.
 
Daahir Riyaale;
Wadahadaladii Somalia iyo Somaliland ee aad tidhi halkan bay ka dhawdahay sida wasiiradaadi ka dhawaajiyeen way fashilmeen, maanta Turkiga waxaa laguu soo diray Afar Wasir oo reer Somaliland ah taas macneheedu yahay maamul goboleed loo diray wasiradii ay ku lahaayeen dawlada fidaraalkah oo xaalkaagu yahay laba darran mid dooro taas oo ka dhigan Maskii qorotada afka ku qabtay oo haddii uu liqona waa sun oo wuu ku dhimanayaa haddii uu sii daayona way ku tufaysaa oo idho beelayaa taas oo macneheedu yahay haddii aad la kulantid wasiradaa reer Somaliland ee ka socda Fidraalka ku darran oo Somaliland baa ku sugaysa, haddii aad diidona dawlada Turkiga baydun kale dhimanaysaan oo gunadii yarad baa goaysa ee bal xaalka ka waran.
 
Axmed Silaanyo;
Adeer xaaladu way adagtahay oo siyaasadii arimaha debadu way adkaatay, Laakin kolay is casilmaayo sida madaxwayneyaasha qaar waayo adeer dalk iyo dadka ayaa ii bahaan wadaddii Ceergabona waa qabyo farina kama qodna markaa iyada is casilaad ha sugin.
 
Daahir Riyaale:
Mudane madaxwayne waxaad ka warantaa Isku shaandhayntan 01;50 habeen nimo soo baxday ee aan madaxwaynuhuna iyo afhayeenkiisi midkoodna ku saxeexnayn.
 
Axmed Silaanyo;
Adeer laxdan ka xog lahay arintaa waxba kama ogi waayo anigu habeenkii markaan cishaayiga tukado baan seexda adeer anigu maalintii baan shaqeeyaa ee arinka iyo goaanka maalintii soo baxa ha la igla xisaabtamo laakin 01;50 adeer madaxwaynayaashu ma shaqeeyan anigu maalitiiban shaqeeyaa arintaasna war baahinta baan subaxii ka maqlay.
 
Daahir Riyaale;
Horaan u maqlay odayga marka loo tagao ee arimaha la waydiiyo ayuu yidhaahda Walee ba iga tahay waxbana kama ogi
waxaan moodayay been abuur, ee bal mudane madaxwayne Wershadahan laydhka [ Berbera iyo Hargaysa} iyo dekaddii Berbera waa la iibiyay baan maqlayee ka waran.
 
Axmed Silaanyo;
Adeer waxay la mid yihiin arimahaa Habeenkii saqda dhexe soo baxayay ee anigu ka war ahay mana ogi ee arimaha maalin waynta i waydii horana loo yidhi XALAAL IFTIN BAA LA QASHAA.
 
Daahir Riyaale;
Bal siddii caadada ahyd ila dhegayso heestii maanta aan ku soo xulay;
Nin caydhi weligii ceeb kama fogaadee caaway u darantahay xaggee baan cuskadaa.
 
Akhris yaal xidhiidhkani wuxuu ka tarjumaa had iyo goorba dareenka shacabka Somaliland.
 
LA SOCO QAYBAHA KALE EE XIDHIIDHKAN
 
Faisal farafidiye