Daawo Sawiro…Xisbiga UCID Laantiisa Birmingham Oo Ay Ku Soo Biireen Taageerayaal Miisaan Culus Ku Leh Dalka UK, Kana Soo Kala Jeedda Gobolada, Togdheer, Sanaag, Gabiley Iyo Maroodi-Jeex:

Xisbiga UCID Laantiisa Birmingham Oo Ay Ku Soo Biireen Taageerayaal Miisaan Culus Ku Leh Dalka UK,  Kana Soo Kala Jeedda Gobolada, Togdheer, Sanaag,  Gabiley  Iyo  Maroodi-Jeex:

 7

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka ee UCID Laantiisa Birmingham ayaa Xaflad aad u balaadhan u qabtay Taageeryaal ku soo biiray Xisbiga UCID habeenimadii 28/02/2015,  Taageerayaashan oo ka soo diga rogtay Xisbiga KULMIYE iyo Xisbigii Dhacay ee UDUB.  Xafladan oo si balaadhan loo soo agaasimay ayna ka soo qaybgaleen Madaxda  Xisbiga UCID ee heer  Qaran iyo heer  UK.

 2

Madaxda heer  Qaran  ee Xisbiga UCID ee xaflada ka soo qaybgashay waxa ka mid ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Aar  iyo Xoghayaha Maalgashiga Mudane Cabdi Daakir, waxa kale oo  ka mid ahaa Madaxda Xisbiga UCID ee EUROPE  iyo  UK  iyo Laamaha UK, sida Birmingham, Coventry, Cardiff, Bristol iyo London.  Dhammaan Madaxdani waxay Xaflada ka soo jeediyeen khudbado aad u qiimo badan oo ay ku faah-faahiyeen Siyaasadda Xisbiga UCID.

3 

Xafladani dulucdeedu waxay ahayd oo lagu soo dhawaynayay Taageerayaal Miisaan Culus amaba aanu oran karno waa ruugcadaagii xaga Siyaasadda Qurbaha,  rugcadaagan oo ka soo kala jeeda Gobolada Togdheer, Sanaag,  Maroodi-Jeex  iyo Gabiley, waxana ka xusi karnaa xubnihii xalay Xisbiga UCID ku soo biiray Mudane Muuse Maxamed Ducaale oo ay walaalo yihiin  Wasiirkeenii hore ee arrimaha dibada Dowladii UDUB Mudane Cabdilahi Maxamed Ducaale, Muuse Waa Rugcadaagii Xisbiga UDUB,  waxa kale oo ka mid ah  rugcadaaga Proff. Siciid Physics oo ah Aqoonyahan caan ka ah Dalka Somaliland qayb weyna ka qaaday Halgankii dalka Somaliland lagu xoreeyay iyo waliba Guulihii Xisbiga KULMIYE ka gaadhay Doorashii Madaxweyne  Siilaanyo Ku guulaystay,  wuxuuna ahaa Macalinkii Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Waxa kale oo rugcadaaga xisbiga ku soo biiray ka mid ahaa Mudane Cumar  Gaas Warsame oo ka mid ah rugcadaagii halganka dheer la soo galay xisbiga KULMIYE  isagoo  naf iyo maalba u huray sidii uu Xisbiga KULMIYE u soo bixi lahaa. Ragan miisaanka leh waxaa iyagana la socday oo ay hogaaminayeen  Taageerayaal aad u farabadan oo iyaguna ku soo biiray Xisbiga UCID.4

Run ahaantii waxa sida cadceeda u muuqata in Xisbiga UCID  uu noqday xisbiga kaliya ee maanta Shacabka reer  Somaliland ay isugu yimaadeen, waxaana  xisbiga si raabo raabo ah u soo galaya Waayo  aragii iyo Aqoonyahankii reer  Somaliland, Xisbiga UCID waa Xisbiga kaliya ee mabaadiidiisa iyo Siyaasadiisa aynan ku salaysnayn Caadifad, Qabyaalad iyo Kursi Jacayl. Sidaa darteed Shacbi weynaha reer Somaliland ee ku nool Dalka UK iyo dunida dacaladeeda waxanu ugu baaqaynaa in ay Xisbiga UCID  ku soo biiraan, gacana ka siiyaan sidii uu ugu guulaysan lahaa Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ee la filayo in ay Somaliland ka qabsoomi doonaan Insha Allaah.

 6

Waxaan halkan uga mahad celinaynaa Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Birmingham oo iyagu xafladan quruxda badan soo agaasimay, qaasatan Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Birmingham iyo xubnaha fir-fircoon ee la shaqaynayay ee isugu jiray Dumarka iyo Dhalinyarada, waxa kale oo aanu aad ugu mahadcelinaynaa Odayaasha  Goosdanbeedka Xisbiga UCID ee  Birmingham.  Waxaana magaalooyinka kale ee UK ku dhiirigalinaynaa in ay ku daydaan wacdarahaa ay soo bandhigeen reer Birmingham. 

 5

 

 

Mr.  Abdulqadir  Mohamed Abdulahi   (Cukaashe)

Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda 

ee Xisbiga UCID Laanta UK

 

warfaa_101@hotmail.co.uk