Baaq Nabadeed…Xisbiga Waddani:: Baaq Nabadeed: Colaadda Deegaannada Buuhoodle iyo Qorilugud

waddani

Taariikh, 02/03/2015
Baaq Nabadeed

Xisbiga Waddani wuxuu ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee wada-dega Buuhoodle iyo Qorilugud, kuwaas oo degaanka, dhalashada iyo noloshu ka dhaxaysaa in ay xaaladda cakiran ee dagaalka ah ku soo dabaalaan nabad iyo wada-noolaansho.

Walaalayaal, waxaannu ogsoonahay in aad tihiin laba beelood oo ood-wadaag ah oo isu ah xidid iyo xigaalba , waxaanuna idinku dardaaraynaa in xaaladda amni ee cakirani aanay saamaynin wada-deganaanshihiina iyo wada-noolaanshaha soo jireenka ah ee idiin dhexeeya.

Waxaannu baaq u direynaa Golaha Guurtida Somaliland, Madax-dhaqameedka, cuqaasha iyo wax-garadka guud ahaan reer Somaliland iyo gaar ahaan kuwa labada dhinacba inay colaaddan soo jiitantey si daacad ah ugu gurmadaan una soo afjaraan.

Xukuumadda Somaliland waxaannu ku dhaliileynaa inaanay sameyn kana gaabisay gurmadkii looga baahna daminta colaaddaas u dhexeysa beelaha walaalaha ah ee wada dega Buuhoodle iyo Qorilugud.

Ugu danbeyntii, xisbiga Waddani wuxuu aad uga damqanayaa dadka walaalaha ah ee ku dhimanaya colaaddaas, wuxuuna mar labaad iyo mar saddexaadba ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaannadaas inay colaaddaas demiyaan.

Hogaanka Xisbiga WADDANI
Hargeysa, Somaliland