Kaptan markab degaya shaqaalihii badh eryey badhna isku bedelay iyo cida gambadhka uugu fadhiisatay isku shaan dheynta by Abdi Mustafe

Markab degaya hadii shaqaalaha badhna la eryo badhna la kala bedelo waxay u sahlinaysaa in uu dhoqso u dego sidaa waxa ka dhigan xukuumadii oo sii dhacaysa ayaa hadana shaqaalihii badh na la eryey badhna la isku shaandheeyey Natiijada ka soo baxday durba waxa ka mida wasiir tun waa weyn oo is casilay.
MAQAAL

 Waxa gambadh uugu fadhiistay isku shaan dhaynta iyadoo Berbera joogta marwada Amina Weris. Kaptanka markabka degayaa waa iyada oo si deg deg ah oo cadhadii ay ka qaaday kacdoonkii Berbera qabta ayaanay sidi-sidi deeda mooyaane aanay dhul u dhaceeda u hubsan oo waa kaa Samaale oo nin misaan weyn lu lahaa siyaasada Kulmiye uu is casilay. Kaga sii daran ee waxa bulshadu ku qanacsantay in Samaale Saaxiibkii Abdirahman Ciro ka daba tegayo oo uu Waddani ku biirayo. Wasiir Zamzam in badan bay ku taamayasay in wasiirka maaliyada laga dhigo hase yeeshee Amina Weris oo dhul gareerka Siyaasada dareensan in Waddani dhawaan kaga tuuri doono kursiga ayaa u baahatay in ay qasnada u dhiibato Zamzam oo ay saaxiibo dhow ay yihiin si ay u faaruqiso intaanay madaxtooyada ka tegin. Silaanyo wax uu ka ogaa isku shaan dhayntani may jirin ee talo dumar oo qiiraysan bay ahayd oo markabkii u sahlisay in uu dhoqso u dego. Waxa xigeysa oo maalmo ka dib loo wada joogi doonaa Wasiirkii xanaanada xoolaha Abdi aw Daahir oo isna is casila iyo Kulmiye oo ay dhexdiisa ka qaraxdo iyo reer Berbera oo far waa weyn dowlada uugu qora in ay Berberi ka weyntahay wax go’ lagu qaado. Waxa kale oo aad loo saadilinayaa in Wasiirka madaxtooyada Xirsi isna is casilo oo Samaale ka daba tago. Bur-burkii iyo balan balkii xukuumada ayaa bilaabmay ee ilaahow sharkooda Somaliland ka hay. Alow sahal amuuraha adaa noo aqoonee. Isku soo xoori oo Amina Weris waxay dowlada u sahlisay sidii ay ku bur-buri lahayd. Ogow kal caano galeen kas ma galaa la yidhee.
Abdi Mustafe