Daawo Sawrro Kulan looga hadlayay aafooyinka qaadka oo lagu qabtay Jaamacadda Bariga Africa Qardho

Kulan looga hadlayay aafooyinka qaadka oo lagu qabtay Jaamacadda Bariga Africa Qardho (Sawrro)
qardho4

Kulankan oo ay soo abaabushay Jaamacadda Bariga Africa qaybta magalada Qardho ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka kala duwan uu qaadka gaysto, waxana kasoo qayb galay mamulka magalada, Culimo, Odayaal dhaqan, haween, Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka  iyo ardayda Jaamacadda.

Bilowgii kulanka waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Qardho Shiikh Cali Maxamed Cali Hure, wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay markii ugu horaysay Jaamacada lagu qabto kulan looga hadlayo dhibaatooyinka uu Qaadku ku hayo dadka Soomaaliyeed iyo sida loogu baahan yahay in laga hortago, wuxuna Shiikh Hure sheegay inay garab taagan yihiin Olalaha la-dagalanka Qaadka.

Col.Yaasiin Cumar Dheere oo ka mid ah Odayaasha magalada Qardho ayaa soo jeediyay in dhalinyaradda Gobalka Karkaar ay fariinta la-dagalanka Qaadka qaataan isla markasna ka wacyi galiyaan dadka cuna iyo kuwa ka ganacsada, wuxuna muujiyay inuu saamayn ku yeeshay caafimaadka dadka iyo dhaqaalahooda.

Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hoggaama-laroor oo goobta ka sheekay inuu ka mid ahaa dadkii qaadka soo cunay ayaa ka waramay waxyaabaha uu kala kulmay, wuxuna ugu danbayntii sheegay inuu waqti wanaagsan ilaahay kasoo gaaray uuna jeclaan lahaa dadka cuna inay  ka waan toobaan.

Hooyo ka mid ah kuwa qaadka ku gada magalada Qardho oo la yiraahdo Fartuun ayaa sheegtay inay faraha kala baxday Iibinta Qaadka, ayna soo gadaysay mudo 19-sano ah, waxayna Fartuun ugu baaqday Haweenka kale ee Qaadka gada inay isaga soo baxaan oo ay ku badashaan iibinta waxyaabaha kale ee khayrku ku jiro.

Ugu danbayntii Gudoomiya la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale ”Qaad-diid” ayaa sheegay wacyi galinta la-dagalanka Qaadka inuu gaarsiinayo gobaladda Puntland, ayna muhiim tahay shacabka Qardho inay ka qayb qaataan wacyi galintan oo ay la-dagaalamaan in gudaha magalada lagu dhex gado qaadka.

Cawaale wuxuu ka cod-saday mamulka iyo Ardayda Jaamacadaha inay xuseen maalinta loo qorsheeyay inay noqoto maalinta la-dagalanka Qaadka taasoo ku beegan 25-ka bisha Febraayo, isagoona sheegay maalintaasi in lagu soo bandhigayo dhibaatooyinka qaadka iyo horumarka laga sameeyay in laga hortago.

 

qardho1qardho2qardho3
qardho5qardho6

 

Isha: RBC