Tabashada Reer Awdal iyo ku dheeldheelida siilaanyo

kibaar-70x70Lix bilood ka hor waxaa u yimiday madaxwynaha soomaaliland axmed maxamed maxamuus siilaanyo  25 oday oo ka  kooban cuqaal , salaadiin  iyo aqoonyahano  waxayna u keenenn 25 page oo qoraal ah oo loo soo qoray si wanaagsan   oo ay ku muujinayeen tabashadooda  waliba umay dhiibina wayna  u akhriyeen isaga oo horfadhiya. Intaa kadib isaga oona jawaabsiin ayuu tagay berbera wayna sugayeen  waxa uuna ku yidhi isuga inta aan soo noqonayo markuu soo noqday ayuu ku yidhi iska socda wayna socdeen. Inyar kadibna waxa uu magaacabay gudi soo ogaata tabashada ay u keeneen waxa uuna gudoomiye uga dhaiagay  ninkii uguweynaa ee ay ka cabanayeen oo ahaa wasiirka maaliyada  mudane cabdicasiis maxamed samaale. Gudidii la dirya waxa macluumaad ah oo ay keentay lama hayo laakiin reer awdal daacad nimadooda  sidii ayey u sugayeen.

                     Mudo badan kadib waxaa dhacaday arintii suldaan wabar  waxayna ka bilaabanatay waa qadarin la,aanta  uuku sameeyey  siilaaanyo wax garadka reer awdal.  Intaa waxaa sii dheer dadka dega awdal iyo salel waa dad samir badan nabadana jecel arintii suldaan wabarna iyaga ayaa gacmahooda ku dhameeyey. Dhacdooyinka laxusi karo ee waaweyn waxaa kamid in dadkaa  reer awdal ee wax garadkooda suldaankooda  iyo aqoonyahankoodaba aanan dhag loo dhigayn inaa dhulkoodii lageeyo shirkad Chinese ah oo macdan ka qoda oo uu heshiis  lagalay  wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta  arintaana waxaa ka dhashay is maan dhaaf  oo ay walibana lug ku leeday dawlada fedaralka ee soomaaliya .

Madaxweyne siilaanyo  waxa uu  tagay gobolka awdal si uu arintaa usoo dajiyo arintaa siimoodi waxa uuna tagay magaalada baki dadkii reer awdal sifiican ayey usoo dhaweeyeen  laga bilaabo magaalada  dila oo xataa loo dhigay roog cas ilaa halkii uuku socday  waxayna usoo dhaweeyeen si wanaagsan dhalinyaro ,dumar ,cuqaal ,aqoonyahano , iyadoo sidaa loosoo dhaweeyey waxaasoo dhacdo ahani jirto magaaladii habeen uma hoyan si uu arimahaa ugala  xaalo ee uu kasoo caraabay. Waxa uu ku yidhi reer awdal markaan soo noqdo ayaan tabashadiinii wax ka qaban doonaa . ilayn waa dad daacad ahe. Intaa kadib waxaa uu soo wada maray wadanka oo dhan oo uu meel walba dhagax dhigay balan qaadyo badana u sameeyey.

Waxaana xusid mudan  in loo fiirsado 28/02/2015  waxa uu sameeyey magaabis wasiiro wasiiro ku xigeen  agaasimayaan iyo  hay,ado madax banan  waxa uuna magaacabay 14 wasiir ku xigeen waxa uu tabashadii reer awadal kaga jawaabay  laba wasiir ku xigeen waayo  wasiirka uu badalay wasaaradii ay joogeena midka hoosaysa ayuu waliba geeyey  halkay  reer awadalna kasugayeen wasaaradaha waaweyn. Ilaa hada lama hayo  wax jawaab ah oo kazoo yeedhaysii reeer awdal.    Waxa dhacayana way lasocdaan inuu shakhsi kali ah oo wasaarad  laga qaaday oo tukale loo dhiibay diiday ( wasiirkii maaliyada) iyagoo ah beel dhan way ka hadli laa yihiin.

Ugu danbayn waxaan kusoo gabaynayaa qoraalkayga labo qodob

  1. Midwaxaan u jeedinayaa maxadaxweyne siilaanyo
  2. Midna waxaan u jeedinayaa reer awdal

Waxaan laahay madaxweynaha Somaliland  madaxweyne   salaadiinta reer awdal waxay kaa yeeleen sidii laga yeeli  lahaa  madax sidii ugu fiicayd   wayna ku sharfeen  laaakni adigu waxaan kazoo qaaday wax aan qiimo lahayn  waayo wali hadaa yey ku sugayaan waxna kamaad qaban waxay kuuula yimaadeen. Madaxweyne adiga beeshaada waxaa ku jira  wasiirada afar  kii ugu hooseeyeyna  wasaaradisii intaad  ka qaaday ayaad u dhiibtay  cabdoo aayar oo aad shalay ka keentay awdalna waxaad siisay mansab fiican oo adiga kuusoo kordhay madaxweyne hadaad beeshaa dhan  tabashadooda waxa ka qabato waadiga ku waagaba aanan taabanayne maxaa dhacaya .

Reer awadalna waxaan leehay waxba iniima hayo madaxweyne siillanyo oo waad aragtaan

Ooo wax uu idiin soo wadaa ma jirto ee sidaad  awalba u samri jirteeen iskaga samra   waxaan ad tihiin dadkii horumarka iyo waxbarashada  iyo wanaaga  ku tilmaanaa. Iyo isku duubnaan waayo  waxaa wax lagu gadhaa  midnimada iyo wada shaqaynta iyo danta goboka.

Qore : mohomed farah Kibaar

Tell: 063 44544666

Email: kibaar99@gmail.com