Saddex caruur ah oo cudur aan la aqoon Degmada Tiyeegloow ugu geeriyootay, ku dhawaad 100 kalena ay la ildaran yihiin

timthumbSaddex caruur ah ayaa u geeriyootay cudur aan la aqoon Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool,  halka qaar kale oo badana ay la il daran yihiin cudurkaasi.

Maxamed Cabdullaahi Food Cadde oo ah Guddoomiyaha Degmadaasi ayaa sheegay in saddex caruur ah isbitaalka Tiyeegloow ay ku geeriyoodeen, halka sidoo kale in ka badan 100-caruur ah ay la ildaran yihiin caruurtaasi.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Tiyeegloow,  in ilaa hada dhaqaatiirta Isbitaalka ay la tacaalayaan in ka badan 100 caruur ah oo cudurkaan uu soo ritay, kuwaasi oo laga kala keenay deeganada hoostagga Degmada Tiyeegloow.

Xanuunkaan ayuu sheegay in marka hore caruurta uu si qandho ah u qabanaayo, kadibna ay wareerayaan, balse dhaqaatiirta ilaa hada wax ay ku sheegayaan ayeey garan la’yihiin ayuu yiri.

Degmada Tiyeegloow ma joogaan dhaqaatiir xirfadooda ay wanaagsan tahay, sidoo kalena ma lahan qalab caafimaad oo baaritaano dheeri ah loogu sameeyo caruurta.

Waxa ay ka mid tahay Degmadaan, Degmooyinka Shabaab ay go’doomiyeen ee xaaladaha dhanka nolosha iyo caafimaadka ay ka jiraan, waxaana maamulka uu ku baaqay in gurmad loo sameeyo caruurta xaaladooda caafimaad ay liidato.

Hay’adihii Samafalka ee ka howlgali jiray Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa cabsi Shabaab ay ka qabaan awgeed uga cararay deeganadaasi.

Salaanmedia/Moqdisho

dhacdo