QORSHAHA WADA HADALKU WAA IN LA KALA SAARO LABADA DAL, DAWLADA SOMALIYA LAGAMA FILAYN INAY SOO DIRTAAN SHAQAALE DALKAAS KA SHAQAYSTA OO MAGAN KU JOOGA..CALI WARAN CADE

QORSHAHA WADA HADALKU WAA IN LA KALA SAARO LABADA DAL, DAWLADA SOMALIYA
LAGAMA FILAYN INAY SOO DIRTAAN SHAQAALE DALKAAS KA SHAQAYSTA OO MAGAN KU
JOOGA..CALI WARAN CADE

 CALI WARAN CADEe

Hargeysa(Salaanmedia.com):-wasiirka arimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade  ayaa ka hadlay wada hadalada u dhaxeeya somaliland iyo somaliya oo mar kale dib u dhac ku yimid. Wasiirka arimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa waxa uu sheegay inaanay somaliland marna aqbali doonin inay miiska wada hadalka la soo fadhiistaan xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda somaliland balse uu tilmaamay inay u shaqo tageen somaliya. Ugu horayna wasiirka arimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo ka hadlaya ujeedada shirka Turkiga ayaa waxa uu yidhi “ Wada hadalku waxa uu daaran yahay In labada dal ee somaliland iyo somaliya ay u kala baxaan si wanaagsan oo ay ku jirto walaaltinimo iyo darisnimo ay

labada dal ku wada nooladaan, ujeedada shirka Istanbul ee lagu dhex dhexaadinayo  somaliland iyo somaliya qorshihiisu waxa uu yahay caalamka iyo
bulshooyinka somaliland iyo somaliya ogyihiin sidii labadaas dal iyaga  oo wanaag iyo walaaltinimo ku jooga loo kala saari lahaa ee ay wax u kala guran
lahaayeen  si mustaqbalka ay laba dal oo kala madax banaan u noqdaan.” Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha somaliland waxa uu sheegay inaanay marna somaliland aqbali doonin xubno ka soo jeeda somaliland oo wadanka somaliya u matala wada hadalka waxaanu  mar kale yidhi “Masuuliyiin ka socda dadkii reer somaliya ama dawlada somaliya oo ah dalkii uu gumaysan jiray Talyaanigu intii aynaan isku darsan ee ka horaysay 1960 inay shirkii u soo diraan dad ka soo jeeda somaliland oo ku abtirsanaya balse anagu aanu u naqaano sida ay umada somaliland  ugu shaqo tagtay dunida dad u shaqo tagay dalka aynu dariska nahay ee somaliland wax laga filayeyna may ahayn somaliya inay soo diraan shaqaale ka shaqaysta oo dalkaas magan ku jooga inay yidhaahdaan way na matalayaan arintaasina arin la aqbali karo maaha wax loo dul qaadan karana maaha, dawlada somaliland-na diyaar uma ah inay dadkaas hor fadhiisato haddii aan ku yar talax tagana waxaan odhan karaa waa calooshooda u shaqaystayaal  oo dad kale ayey  u shaqeeyaan.” Wasiirka arimaha gudaha somaliland waxa uu ugu baaqay beesha caalamka in ficilada somaliya ay ku kacayso ee la xidhiidha wada hadalka ay ka turjumayaan inaanay ogolayn inay wada hadalku si wanaagsan u socdaan waxaanu yidhi “Waxaan caalamka u sheegaynaa inay arintaasi ka turjumayso sida aanay somaliya madaxdeedu diyaar u ahayn sidii caalamku sugayey in si wanaagsan loo kala baxo, sidaas awgeed waxaanu soo dhawaynaynaa wada hadalka somaliland iyo somaliya si aynu ugu kala baxno  si wanaagsan   laakiin waxaanu leenahay cidii idiinka qayb gali lahayd shirka ee ah dadka idinka idin matalaya ee ka tirsan somaliya inaad u soo dirsataan shirka ayaa wanaagsan oo ay aydaan shirka galin khal khal iyo wax aan loo baahnayn.” Ugu danbayntiina wasiirka arimaha gudaha somaliland waxa uu baaq u diray dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda somaliland ee xilalka ka haya dawlada somaliya waxaanu yidhi “Dadka somaliland ee faro ku tiriska ah ee ka shaqaysta somaliya waxaan leeyahay halka aad maanta joogtaan dhibkeeda iyo khatarteeda ayey leedahay waxaanad qayb ka tihiin dhibaatooyinka haysta somaliya waayo jagooyinka aad haysataan waa waxyaabaha huriya inay ku heshiin waayaan maamul qaybsiga iyo inay dhistaan dawlad ay ku wada kalsoon yihiin waanan soo dhawaynaynaa in somaliya ay nabad ku soo noqoto iyagana waxaan odhan lahaa ha dhibina.”ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha somaliland Cali maxamed Waran Cade.