Qaybta Labaad Ee Isku Shaandhaynta, Masuulka Buuxinaya Jagaddii Samaale Iyo Is-rogashada Kooxaha

Qaybta Labaad Ee Isku Shaandhaynta, Masuulka
Buuxinaya Jagaddii Samaale Iyo Is-rogashada

madaxtooyada-

Hargeysa,   (Salaanmedia.com) Iyadoo
weli ay sii qoyan tahay xiisadda siyaasadeed
ee isku shaandhayntii madaxtooyadu
samaysay, ayaa waxa isa soo tarayay shalay
ilaa xalay qofka bedeli doona ee loo
magacaabi doono jagada uu baneeyay cabdicasiis Samaale,isla markaana waxa
socota hadal hayn la xidhiidha talaabo la
filayo in madaxtooyaddu kaga jawaabayso
talaabadda uu qaaday Cabdicasiis. Siday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal
ka soo xigtay illo kala duwan, isla markaana
ay isu tebinayeen dadka siyaasadda
falanqeeya laftoodu, waxa magaciisu suuqa
wararka soo galay shalay ilaa xalay, nin lagu magacaabo Dr Maxamed Daahir oo la sheegay inay isku
hayb hoose yihiin wasiirka is casilay, balse loollanka murashaxnimadda xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka mid ah taageerayaasha Muuse Biixi, in la filayo in madaxweynuhu u magacaabo jagadda uu
banneeyay Cabdicasiis samaale. Dhanka kale, xoggo laga soo xigtay illo ku dhaw dhaw madaxtooyada ayaa tusmaynaya qayb kale oo
ka mid ah isku shaandhayntani inay soo socoto, isla markaana la filayo in xubno kale oo haatan xilal
hayaa waayi doonaan boosaskoodda, qaar cusubna la saadaalinayo in lagu bedeli doono. Magacyada
kale ee laysu tebinayay in xil wasiirnimo loo magacaabi doono, waxa ka mid ah Abiib Xasan Filfil oo
ah siyaasi ka soo jeedda gobolka Gebilay, ahna nin lagu tiriyo xulafadda Gudoomiyaha Kulmiye.
saadaashan ayaa hadday sidaa run ku noqoto, waxay ka dhignaanaysaa inuu markaa meesha ka bixi doono Abiib Diiriye Nuur oo isna xisbiga dhexdiisa loo tiriyo dhinaca Cabdicasiis Samaale, haatan
ah wasiirka Wershadaha. Xuseen Axmed Caydiid oo ah wasiirka Caddaalada ayaa isna ka mid ah xubnaha hilaadinta qaybta
dambe ee isku shaandhaynta loo malaynayo inuu ku waayi doono xilkiisa, isla markaana Wasiirka
ugu miisaanka culus xukuumadda Xirsi Cali X Xasan ayaa laga yaabaa in laga bedelo madaxtooyadda
oo la geeyo wasaarad kale, isla markaana Maxamuud Xaashi oo hadda duulista jooga iyo xil. Cali
Mareexaan oo ka tirsan golaha wakiiladda ayaa dhici karta in midkood madaxtooyadda yimaado.
Xil. Cali Mareexaan ayaa la tilmaamayaa inuu muddo badan naawilayay in Xirsi meesha laga qaado, sidaa darteedna uu si aan is muujini u jirin u shido xasarad kasta oo siyaasadeed oo lid ku ah
wasiirka madaxtooyadda. Xusidda xogahaa aan la xaqiijin ee haasaasaha kala duwan tibaaxaya ka sokow ma jiraan warar rasmi
ah oo soo baxay. Dhinaca kale, xoggo aan la xaqiijin oo si wayn dadku xalay isula dhex marayeen, ayaa sheegay inuu
jiro qorshe madaxtooyaddu doonayso inay kaga jawaabto mawqifka Cabdicasiis Samaale,isla
markaana waxa la sheegay, in qorshahaasi yahay in Cabdicasiis la geliyo baadhis xisaabeed oo
hantidhawrku ku sameeyo muddadii uu xilka hayay. “ilaa xalayba waan maqlayay waxa la doonayaa
in Cabdicasiis odhat la geliyo, laakiin weli run lama hayo”, sidaa waxa yidhi, mid ka mid golaha
dhexe ee xisbiga Kulmiye, kana mid ah taageerayaasha Samaale. Hase yeeshee ma jiro war amuurtaa ku saabsan oo madaxtooyadda ka soo baxay