Xil Dambe Ka Qaban Maayo Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, Saaxiibtinimadiina Madaxwaynuhu Muu Qiimayn”

“Xil Dambe Ka Qaban Maayo Xukuumadda
Madaxwayne Siilaanyo, Saaxiibtinimadiina
Madaxwaynuhu Muu Qiimayn”

Samaalee

Hargeysa,  (Salaanmedia.com)-Wasiirkii
hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed
Samaale, ayaa sababeeyay diidmadiisa xilka
wasaaradda Waxbarashada ee loo
magacaabay,isla markaana wuxuu sheegay
in aanu Madaxweynuhu arrintaa ka soo talo siiin,balse uu Madaxweynuhu ogaan doono
waxa qanoocan. Wasiirku wuxuu sidaa ku sheegay waraysi
uu siiyay idaacadda ku hadasha afka
Soomaaliga ee VOA. Ugu horayn waxa uu wasiirku muujiyay
diidmadiisa xilkan “Wallaahi
Madaxweynuhu wuu mahadsan yahay, Xilkaasna ma aqbalin,mana aqbalayo, diyaarna uma ahi
inaan xil dambe ka qabto xukumadda Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Siilaanyo, waanu
mahadsan yahay arrintaasina arrin aan aqbalyo ama xil aan qabanayo maaha”. Wasiirka hore ee Maaliyadda oo idaacada VOA-da la hadlay waxa uu sheegay inay Madaxweynaha
isu ogaayeen dareen kalgacal iyo wanaag marnaba aanay isla soo qaadin in wasaaradda maaliyadda
laga qaado “Runtii, wefti wasaaradda Maaliyadda ah oo agaasimaha guud iyo afar agaasime waaxeed
ah ayaanu ugu maqnayn Gobolada dalka, Madaxweynaha waan u sheegay waanan ka wada soconay
safarkaas, habeen ka hor intii hawshani dhacaysay(Isku Shaandhaynta),waan u sheegay inaanu
safarkii Laascaanood ka soo noqonay Burca-na ku sugannahay, Sabtidana u kicitimi doono Ceerigaabo, sidaas baanu Madaxweynuhu ula socday Safarkayaga, Kalgacal iyo wanaag baanu isku
Ogayn,si lama filaana ayaanay arrintani u dhacday.”Ayuu yidhi Samaale wuxuuna hadalkiisii sii
raaciyay “Qofka xilka waa laga qaadi karaa, qof kalena waa loo dhiibi karaa. Laakiin, in la tixi galiyo
qofka dareenkiisa, in la tix galiyo qofka rabitaankiisa iyo sida uu u arkayo, markaa arrintaa waxaan u
arkayaa inaan Madaxweynuhu dareenkayga, Saaxiibtinimadayadii iyo wixii aanu isla soo maray
midnaba qiimayn, dareenkuna maaha wasaaraddaha kala duwan oo farqi uma dhexeeyo, waxaanan jecelahay inaanan xilkaas qaban Wasaaradda Maaliyaddana dhakhso ugu wareejiyo, waxa
qaloocdayna uu Madaxweynuhu Insha Allah ogaan doono” ayuu yidhi Samaale. Cabdicasiis Samaale waxa uu ka hadlay hankiisa siyaasadeed iyo xidhiidhka isaga iyo Madaxweynaha
“Runtii Madaxweynaha imikaba waanu isku dhawnahay, waxaanse imika arkayaa inay wax qarsooni
soo bixi doonaan hadii ay jiraan, annigase Madaxweynuhu waa Madaxweyn-nahaygii dareenkii iyo
walaaltinimadii naga dhexaysayna waa sidoodii, waxaanan u hayaa Kalgacal wayn.Sidii hore iyo si ka
saraysa ayuu Mawqifkayga siyaasadeed yahay, mawqifkan aan qaatayna waxaan aaminsanahay inuu
wax tari doono halkii aan lahaa, dareenkayguna sidii iyo si ka wanaagsan weeye” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale