Inta Aan Ka Aqaan Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan: Faalo.

LondXirsiiiion)Bislilaahi raxmaani raxiim, dhamaan waxaan salaamayaa dadka reer Somaliland ee ku kala sugan daafaha caalamka, sidoo kale waxaan salaantaa la mida u dirayaa guud ahaan Warbixhinta madaxa banaan iyo ta maxaligaa ee Somaliland oo kaalin mugle ka qaatay horumarka dalka, waxaan doonayaa inaan wax yar ka iftiimiyo Wasiirka Madaxtooyada oo ah inta aan ka aqaan dadka la kulmayna ay ka barteen.


Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland inta aan ka aqaan cidkasta oo la kulantayna ka taqaan baratay, shikhsiyan Xirsi Cali Xaaji Xasan waa qof wanaagsan ilaahay siiyey awoodo iyo karti uu dadka kale dheeryahay runtii waa nin dhalinyaro ah mansab wasiirnimo haya dadlka halkii ugu saraysay jooga oo madaxweynaha la shaqeeya.

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah shikhsiga loogu hadal haynta iyo xanta badan yahay Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa saaxada siyaasada Somaliland kasoo mudhay markii Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u magacaabay Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada isagoo markii danbe ku dalacay jagada uu maanta joogo ee Wasiirka Madaxtooyada, Hadaba waxaa hubaal in Xirsi yahay Wasiirka ugu shaqada badan Xukuumada ugu dedaalka badan, waxaa biyo kama dhibcaana inuu yahay masuul si weyn u deeqay Madaxweynaha uuna ku mutaystay Xilkasnimadiisa, Daacadnimadiisa, iyo Dadnimadiisa oo qancisay Madaxweynaha iyo in badan oo kamida Bulshada Somaliland.

Awoodaha ilaahay siiyey Wasiir Xirsi waxaa kamida Aqoon, Karti, Geesi-nimo, Shaqo-wanaag, Samir, Dedaal,Aftahanimo, Daacadnimo, Haybad, Karaamo, runtii Wasiir Xirsi inta aan ka aqaan dadbadanina yaqaaniin waa intaa aan soo sheegay iyo in kalo badan , waxaan hubaa inuu yahay masuul leh Ixtiraam oo qofkasta oo u yimaada soo dhaweeya dhegaysta ka dibana qanciya, waxaanan ka marag kacayaa hab maamuuska uu bulshada ula dhaqmo inaan wali arag qof masuula oo sidaas oo kale bulsho kala duwan u qaabila taasna waxaa makhtaari iigu filan inta la kulantay.
Waa Geesi aan boqolka marinka uga baydhin , Hadalada kasoo yeedha afka Wasiir Xirsi waxay dhinbiilo iyo gantaalo la ganay ku noqdaan dhegaha Siyaasiyiin kamida Xisbiyada mucaaridkaa kuwaas oo sida fiinta galowga uga qeyliya weedhaha kasoo yeedha Wasiirka Madaxtooyada, waana hadal yaqaan hal-abuura inta badana hadalada siyaasadaysan wuxuu u adeegsadaa si tab iyo xeelad leh oo duur xul ah, Halka jawaabta siyaasiyiinta mucaaridku noqoto cay iyo aflagaado kasoo yeedha dibnaha ciroolayaal fashilmay.

Wabilaahi Tawfiiq.

Qalinkii Cali Xasan.