Daawo Sawiro,Wafti Soomaaliland kasoo kicitimay oo London soo gaadhay,Kulanka Beri ee golaha degaanka Cardif ee Ictiraafka Soomaaliland …..

11Waxa saaka soo gaadhay gagida diyaaradaha ee magalaada London Heathrow  wafti Balaadhan oo uu hogaaminaayo Wasiirka Madaxtooyadda Soomaaliland Xirsi Cali Xaji Xasan iyo G/kuxigeenka golaha Barlamaanka Soomaaliland Bashe ,Waftiga oo garoonka lagu soo dhaweeyey ayaa ujeedadooda ku sheegay inay ka qayb galaan kulanka jaaliyadda reer Soomaaliland ee Cardif ay soo abaabuleen ee ku saabsan Ictiraafka golaha degaanka ee Cardif Wales ay berito oo Khamiis ah ku ictriaafayaan Qaranimadda Soomaaliland.

22

Wasiiriirka iyo waftiga la socday oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay mudo 10 casho ah joogi doonaan dalkan Ingiriiska,waxayna sidoo kale ka qayb galayaan maalinta Jimcahaa kulan balaadhan oo jaaliyadda Cardif ay sameyn doonaan. Wixii war ah ee ku saabsan waftiga iyo Ictiraafka Golaha degaanka ee Cardif la soco Salaanmedia Insha Allah.

Salaanmedia/London

33 44 55 66 77