Home » Archives by category » Wararka (Page 1189)

Oct 4,2013 (SM) Tirada ku dhimatay Jasiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga ayaa sii kordheysa, iyadoo ilaa hadda dadka la helay meydadkooda ay kor u dhaafayaan 150, kuwaasi oo isugu jira Haween uur leh, caruur iyo dhalinyaro. waxaana nolol lagu la yahay 200 qof, halka 133 kale la badbaadiyay. Mashaqadan ka dhacday xeebaha Mediterranean ayaa Dowladda […]

Continue reading …

Stockholm (UCID-Media Group):-Waxa galabta  madaarka caalamiga ah ee Arlanda International Airport ee magaalada Stockholm ee Wadanka Sweden ka ambabaxay wafti  uu hogaaminayo Musharaxa madax weynaha ee Xisbiga Mucaaridka  ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xussen  oo ku joogay booqasho rasmi ah oo uu ka heley wadanka Sweden oo  qaadatay mudo Toddobaad ah , Isaga oo […]

Continue reading …
Daawo Muxaadarada Todobaadkan Shiikh Saciid Maxamed iyo muhiimada  wakhtiga (Time) .
Continue reading …

Dilkii Ugu Foosha Xumaa Abid Oo Hargeysa Ka Dhacay Hargeysa Iyo Ciidanka Amaanka Oo Ku Dhigay Gacanku Dhiig-leyaashii. Hargeysa [Shiine]- Ciidanka Amaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa gacanta ku soo dhigay afar eedaysane oo habeen hore ku dilay Xaafada Sheedaha ee degmada Ibraahim Kood-buur, wiil dhalinyaro ah oo lagu magaacbi jiray Marxuun Mustafe Cabdi Xaaxi. Ciidanka […]

Continue reading …

Boorame(SM)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md. Cabdirashiid Jibriil Yuusuf ayaa maanta booqasho muddo kooban qaadatay ku yimid magaaladda Boorama. Agaasimaha Guud waxa Booqashadiisan ku wehelinayay Eng. Siciid Aamiin Gadiid oo ka mid ah injineeradda wasaaradda warfaafinta. Isuduwaha Warfaafinta ee gobolka Awdal Md. Abokor Xasan Caafi ayaa saxaafadda u sheegay in socdaalka Agaasimaha guud ku […]

Continue reading …

Oct 3,2013 Hargaysa(SM) Waxgaradka beesha Gabooye ayaa maanta xaflad u sameeyay xubno ka mid ah ciidammadda noocyadooda kala duwan oo ka soo jeeda beeshooda oo qaatay derajooyinka ciidammadda qalabka sida ee Somaliland dhawaan la siiyay. Xaflad loo sameeyay xubnaha ciidammadda ee derajada ka qaatay beesha Gabooye oo maanta lagu qabtay Huteelka Xaraf ee magaaladda Hargeysa […]

Continue reading …

Casho sharaf lagu soo dhaweynaayo Agaasimaha wasaaradda Waxbarashada Sare Khadar Ahmed Diiriye ayaa ka dhacay Bariga magaalada London, kulanka casho sharafta  oo Ay kasoo qaybgaleen aqoonyahano  degan London.     Lasoco dhawaan warbixin iyo sawiro dheeraada dhawaan Inshallah.   Salaanmedia/London

Continue reading …

(SM:Istanbul) – Waxaa Markii Saddexaad Ka Furmaya Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga Wadahadalladii u dhaxeeyay dawladaha Somaliland Iyo Soomaaliya. Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka mid ah weftiga Madaxwaynaha ee safarka ku jooga dalka Turkiga, ayaa shaaciyey in 8-da bisha November ee sanadkan ay Istanbul ka […]

Continue reading …

3-dii October sanadkii 1993-dii ayay aheyd markii Ciidamada Mareykanka ee hogaaminayay howl galkii UNISOM ay weerar ku qaadeen Allaha u naxariistee Jen. Maxamed Faarax Ceydiid oo hogaaminayay Isbaheysiga SNA, xilligaasoo Qaramada Midoobey ay u balan qaaday cidii soo qabata 25-kun oo doolar.Weerarkaas oo ay ku dhinteen 18-askari Mareykan ah iyo ilaa 1000 ruux oo Soomaali […]

Continue reading …
Maxaad ka taqanaa Tariikhda Beesha Direed…SULDAAN BASHIIR MAXAMED GEELE.
Continue reading …

Warka naga soo gaadhaya Jasiirada Maalta, ayaa sheegaya in Dooni waday Tahriibayaal Soomaali ah ku dhinteen 64 Tahriibayaal, halka 140-na laga badbaadiyay Biyaha xili ay dul sabeynayeen Biyaha Maalta. Doonida waday Dhalintaani ayaa waxaa la soo warinayaa inay kasoo ambabaxday Xeebaha Dalka Libya hayesyeshee markii ay gaadhay kala badh Badda isu xidhta Libya iyo Talyaani […]

Continue reading …

Oct 3,2013 Muqdisho(SM) Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin shirka dib u heshiisiinta ee Jubba, heshiiskii shirkadda Sahminta shidaalka ee Soma Oil and Gas Exploration, iyo warbixinta safarkii […]

Continue reading …

(SM-Lambadusa) – Ugu yaraan 82-qof ayaa ku dhintay tiro kale oo badanna way maqan yihiin ka dib markii doonni tahriib ahaan u sidday ay ku dagtay xeebaha Koonfureed ee dalka Talyaaniga maanta. Doonidan oo ka baxday xeebaha dalka Liibiya ayaa waxay ku dagtay meel u dhow xeebaha Lambaduusa ee Koonfurta dalka Talyaaniga, iyadoo dadka ay […]

Continue reading …

Afar dhalinyaro oo Toorey ku hubeysan ayaa xalay nin dhalinyaro ah ku gowracay Jidka 150 ee magaalada Hargeysa, iyadoo dilkan uu noqonayo kii saddexaad oo ka dhacay Caasimada Somaliland muddo saddex bil gudahood. Wararka ayaa sheegaya in dhalinyarada dilka geystay ay baxsadeen, inkastoo ciidamada booliska ay howl galo baadhitaano ka wadaan xaafadaha magaalada Hargeysa, iyagoo […]

Continue reading …
Daawo Video: Hooyadii Dhashay Afartii Caruur Ee Aabohood Beledweyne Ku Gawracay Oo Hadlaysa
Continue reading …

Xildhibaan Ka Tirsan GDeegaanka Burco Oo kulan La Yeeshay Maayarrada Magaalooyin UK ah October 2nd, 2013 London(SM)-Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi Bidhi oo ka mid ah Mudaneyaasha golaha Deegaanka Burco, ayaa kulamo kala duwan kula yeeshay Magaalooyin kala duwan oo ka mid ah Boqortooyada Ingiriiska xubno ka mid ah Madaxda Dawladdaha hoose Magaalooyinka Birmingham, Cardiff iyo […]

Continue reading …
Daawo Raysal Wasaaraha Turkiga Oo Qaabilay Madaxweynaha Somaliland & Nuxurka Qoddobadii Ay Ka Wada-hadleen

Oct 2, 2013 Istanbul(SM) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigii uu hogaaminayay ee socdaalka ku tagey dalka Turkiga ayaa kulamo la yeeshay Ra’iisal wasaaraha dalkaas Recep Tayyip Erdogan. Raysal wasaaraha dalka Turkiga ayaa si meeqaam sare ah xafiiskiisa ugu qaabilay weftiga Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanay labada dhinac wada yeesheen […]

Continue reading …

Oct 2, 2013 Hargeysa (SM) warar isa soo taraya oo ka soo baxaya qaabkii Qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay Hargeysa ayaa sheegaya in ay sadexdii maalmood ee u danbeeyay ay bilowday in ay Fiisayaal ku bixiso baasaaboorka E-passport-ka Somaliya kaasoo aanay hore u bixin jirin. Sadexdii Maalmood ee u danbeeyay waxa Xarunta Qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay […]

Continue reading …
Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigiisii Oo Gaadhay Turkiga

Ankara (SM)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed  Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayo ayaa si rasmiya u cago dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada qadiimiga ah ee istaanbuul. Halkaas oo uu Madaxweynaha iyo weftigiisu ay habeenkii xaly ka waxaana madaxweynaha ku qaabilay kuna soo dhaweeyey garoonka  masuuliyiinta wadanka turkiga, waxaana weftiga madaxweynaha la dejiyey hotel loogu […]

Continue reading …

Hargeysa/SMMadaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta waxa uu Ardayda Jaamacada Alpha Ubiversity Hargeisa kala qayb-galay Xaflada Qalinjebinta Jaamacada oo ay ardaydu soo dhamaysatay muddo saddex sano ah oo ay wax ka baranayeen jaamacada Alpha ee Hargeisa. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ardayda Gudoonsiyey Abaalmarino […]

Continue reading …