DUKAANKA UGU BALAADHAN YURUB OO XAAFADDA WOOLWICH LONDON LAGA FURAY.

Dukaan aad u balaadhan oo lagu magacaabo Tesco ayaa maalintii Sabtida ahayd laga furay xaafadda Woolwich oo ku taala Bariga magaalada London,dukaankan oo aad u baalaadhan ahna dukaanka ugu weyn ee ku yaala qaaradda Yurub waxa uu ka kooban yahay qaybooyin kala du-duwan waxa aanu ku fadhiyaa masaafo aad u weyn,Waxbadan kama foga meeshii lagu qabtay ciyaarihii Olympikada aduunka oo dhawaan uun dhamaada.

Dukaanka marka aad gudaha u gasho aad ayaad u arkaysaa baaxada uu ku fadhiyo iyo sida oo qalabeeyey, dhinaca kale xaafadda oo aan wax badan ka fogeyn meshii lagu qabtay ciyaarihii Olympickada aduunka ee dhawaan dhamaaday waxa ay aad u koreysaa loona dhisayaa, Waxa aad arkaysaa dhismayaal fara badan oo laga dhisaayo iyo xidhiidhka isu socodka oo aad loo balaadhiyey, waxa xaafadda Woolwich ay ku taalaa koone oo Webiga loo yaqaano Thames uu magaalada kala badho tasoo had iyo jeer dadka dhibaato ku noqota,Waxa loo sameeyey trainka loo yaqaano DLR oo ah isagu mid is wada oo aan wax wadaa jirin marka uu tanalka istaago moyee,trainkaasi waxa uu hoos maraa webiga oo uu dhinaca kale ka baxo,waxaana dhawaan la filayaa in la dhameys tiro train isna si toosa ku tagaaya Airportka caalamiga ah ee Heathrow.

Dukaankan lagu magacaabo Tasco waxa uu ka mid yahay dukaanada ugu waa weyn dalkan Ingiriiska waxa uuna dukaankani sameeyn wey ku yeeshay dukaano kale oo u dhawaa oo aad dareemayso sida ay u madhan yihiin, waxa dadka Soomaaliyeed ay aad usoo dhaweeyeen dukaankan oo aad arkayso dhalinyaro fara badan oo ajanabi ah iyo Soomaali badan oo ka shaqeynaysa.Mar aan la kulmay Mahdi oo ka mid ah dhalinyarada maamulka dukaanka waxa uu ii sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dukaankan laga furay xaafadda Woolwich uuna carabaabay in ay ka faa’ideysan doonaan dhamaan shacabka xaafaddan deggani gaar ahaa Soomaalidu.

Waxa xusuus mudan in jaaliyadaha xaafadda degan kulan ay isugu yimaadeen ka hor intaan la furin dukaanka oo ay soo qaban-qaabiyeen maamulka dukaanku ay soo bandhigeen calamada dadka xaafadan degan oo ka kala yimid jaaliyado kala du-duwan waxaanad arkaysaa in calanka Somaliland lagu soo daray oo ah dedaal ay sameeyeen dhalinayro reer Somaliland ah oo dukaanka shaqooyin kala du-duwan ka helay,Waana muhiim in had iyo jeer calanka caalamka la tuso lagana dhaadhiciyo Somaliland si caalamku u barto.

Xamse Axmed Salaan

London

xamse100@gmail.com