MA U BAAHAN TAHAY XISAABIYE (ACCOUNTANT) KUU SAHLA ARIMAHA SHARCIGA.

 

MA U BAAHAN TAHAY XISAABIYE (ACCOUNTANT)  KUU SAHLA ARIMAHAAGA SHARCIGA.

 

Waxa aan booqasho ku tagay si aan wax uga ogaado shaqada ay qabtaan shirkada la yidhaahdo THAMES ACCOUNTANTS oo ah shirkad dadka ka caawisa xisaabaadka, tax, payroll, payslips iyo wixii la mida.

Shirkadaa waxaa ka director ah Sacad Mohamed Qawdhan, xafiiskooduna wuxuu ku yaalaa Badhtamaha magaalada London.

Mr Sacad oo shaqada uu qabto aan wax ka weydiiyey iyo sida dadka Soomaalida ah ee dalkan Ingiriiska degani ay uga faa’ideysan karaan.Waxa uu ii sheegay inay qabtaan arimo badan oo ku saabsan adeega bulshada oo ay ka mid tahay,xisaabxidhka sanadlaha ah, furida combaniyada ama sharciyeynta, habeynta cashuuraha (Tax) iyo hadii aad doonayso inaad noqoto qof iskii u shaqeysta oo doonaaya inuu cashuurta isagu iska bixiya.(Self employed) waxa aanu u sameynaa inaanu u habeyno hawsha looga baahan yahay inuu celiyo cashuurta sanadkii.

Dhinaca kale waxa uu ii sheegay in uu u shaqeeyo dad farabadan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniba oo ganacsadayaal ah oo uu xisaab xidh u sameeyo oo ay aad ugu bogeen. Waxa ay u fududeeyaan sidii ay qofka u sharciyeyaan si uu iskuu u shaqeysto (Self employed) u noqon lahaa, waxa kale oo ay talooyinka siiyaan wixii u baahan talooyin ku saabsan dhibaatada xaga dawlada oo ay talooyin wax ku oola siiyaan.

Mr Sacad waxa kale oo uu iiga waramay in markii uu arkay dhibaatada haysata shacabka Soomaalida ee dalkan degan in uu xafiiskan furay oo iminka mudo badan shaqeynaayey,waxaanu qabanay ayuu yidhi waxbadan oo ay ka faa’ideystaan dadka Soomaalidu.Waxaanan ku dedaali donaa inaanu sare u qaadno shaqada aanu qabano.waxa kale oo uu ii sheegay in ay wax u qabtaan cidkasta oo u baahan adeegan oo ay ku jiraan dad kasoo kala jeeda qaybaha kala duwan ee bulshada dalkan degan gaar ahaan London.

                Fanaan Iid Batalaale oo xafiiska soo booqday

Hadaba xafiisku wuxuu dadka Soomaalida ah ee dalkan degan ee dhibaato ka haysato arimaha cashuuraha, shaqada, xisaabinta IWM, ee aad caawimo uga baahan tahay aad lasoo xidhiidho THAMES ACCOUNTANTS oo gacmo furan kugu soo dhowayn doona.

Hadaba hadii aad doonayso in aad wax badan ka ogaato shaqada aan qabano ,ama aad ku fekerayso inaad iskaa u shaqeysato ama dukaan furato ama shaqaale leedahay oo add rabto inaad ogaato sidii aad si sharci ah u siin lahayd lacagtay shaqaystaan fadlan lasoo xidhiidh cinwaanka hoosta ku qoran.

 

 

THAMES ACCOUNTANTS

OLD KENT ROAD

LONDON

SE1 5UB

0207 701 3000

www.thameshr.co.uk

info@thameshr.co.uk

 

 

 

 

Xamse A Salaan

London

Xamse100@gmail.com        Â