WAA TUMA MARWO AAMINA HIRSI MOOGE ? WAA MARWO MAAL-QABEEN AH OO KASOO JEEDA SOMALILAND

WAA TUMA MARWO AAMINA HIRSI MOOGE ?
 
 
Amina Hirsi waa Gabadh ganacsata dhalasho ahaana ka soo jeeda Dalka Somaliland balse waxay Amini ku dhalatay Dalka Kenya, Amini waa Maal qabeen aad iyo aad caan uga ah dalka Uganda, waa Mulkiihala Oasis Shoppingmall oo marti galiya Supermarket ugu wayn dalka Uganda ee Nakumat, Nooc kamida guryaha lagu raaxaysto oo loyaqan Labnan Courts, iyo Shirkad kamida kuwa ugu waawayn ee ka ganacsada Sibidhka iyo qalabka dhismaha.oo la yidha Kingston Enterprises, sido kale waxay dhismayaal waawayn ka wadaa Duleedka Jaamacda wayn ee Makerere iyo Wadada adaaka ugu dhaw dhanka Airport.

Amina waxay aqoon ahaan baratay madada Xisaabadka, iyadoo kusoo dhex kortay qoys ganacsiga caan ku ah, ayaa waxa xusid mudan in Hooyadeed Sahra Hirsi Ali, iyana tahay ganacsato aad u wayn oo dalka Kiiniya laga yaqan, halka Adeerked Adam Hirsi Ali isna uu xoog haya guud Wasarada Maaliyada kasoo noqday Dalka Kenya,
Amina ilaa caruurnimadeedi waxay hooyadeed iyo xunbaha kale ee roorkooda kala shaqayn jirtay ganacsiga balaadhan, iyadoo markay yarayd ahayd gabadh aad u karti iyo maskax badan, balse nasiib daro Amina 1998 ayay laba gabadhood ooy dhashay kaga dhinteen shil baabuur, shilkaas kadib waxay Amina Reerkoodu kula taliyeen inay dalka Uganda kusoo qadato wakhti nasasha si ay murugta isku dhafiso, markay cabar joogtay ayey Aamini xirfadeed ganacsi kaga faaidaysatay inay ka bilawdo dalkan Uganda, halkaas oo imika ka tahay dadka ugu lacagta badan.
Amina iyo Madaxweyne Museveni, Uganda (ka koofiyada Xidhan)
Amini waa gabadh aad looga qadariyo dalka Ugaandha iyo Kinyaba, Amina waxay leeday Sadex caruura oo imika , laba gabdhood iyo hal wiil, Waxay hore usoo kala tageen laba nin, balse waxay aad mashquul ugu tahay maamulka iyo kobcinta Xooleheeda, Amini 2008 sideed wuxu madaxweyne Museveni gudoonsiiyey shahaadaa gabadhi ganacsatadaha ahayd ee ugu malgashiga badnayd dalka ugandha, iyada oo ka dhistay Shoppingi ugu wayna magalada Kampala, Amini wakhtigan waxay kalinta 6 kaga jirta dadka ugu lacagta badan dalka Uganda.
Iridaha hore oo Oasis ShopingMall shaqo ayaa markaa ku sogotay
 
Amina qof aad u shaqo badan, Amina waxay aaminsan tahay in shaqo iyo karti laysku dhaafay, inta badan marka la dhaqanto waxan odhanaysa mala yadu waxoono xoola male, markad aragto siday u shaqaynayso iyo siday diyaarka ugu tahay in nolosheeda u horu mariso, dhanka kale waa gabadh kulul canan badan inta badana kacsan oo Nerve ah, waa qof jecel inay wax walba iyadu qabato, ma jecla in wax loo sheego ama ay ku dhagaysato balse wa inad si wacan udhagaysata, Amina dhaqanka dadka reer Ugandha oo Tuugnimada iyo Khiyamadu ku badantay ayaa ku reebay Kalsooni daro, iyo inay cid walba ka shakido, mana jirto cid ay ku kalsoontay oon ahayn Hooyadeed iyo walashadeed iyada ka yar.
Amina dhinaca kale waa qof Deeqsiya oo dadka  Soomaalida  aad ugu roon, inta badan gacan qabata qofkii dhib u sheegta,  shaqaaleheeda inta badan haday wax lasoo darsan jecel inay ka caawiso,  Amina oo mid kamida ganacsata Somalida ugu badan u shaqayso ee dalkan Uganda kunool.
 
Amina waxa dhinaca kale dhawaan ka qoray warbixin aad u dheer jaraaidka aadka u afka dheer ee Independent ee kasoo baxa dalkan Ingiriiska oo ku macneeyey Amina gabadh heer sare ka gaadhay ganacsiga ayna ka mid tahay ganacsatada ugu waaweyn ee Dalka Ugandha,Waxaanu jaraaidku sheegay inay meel sare kaga jirto ganacsiga, Waxayna tusaale usoo qaateen waxyaalaha ay qabato oo aan kur kusoo xusnay.
 
 
 
Xamse Axmed Salaan
London