OGEYSIIS DHAMMAAN DADWEYNAHA REER SOMALILAND EE SWEDEN KU DHAQAN:

 

wadani6

Laanta Xisbiga WADDANI ee Sweden iyo Ururka Dallada Guud ee
Jaaliyaddaha Sweden waxay si sharaf leh u ogeysiinaynaa dadweynaha
Reer Somaliland ee ku dhaqan Sweden in 23 march, 2013 uu bookhasho
Rasmi ah ku imaan doono dalkan sweden, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,
islamarkaasna ah, Guddomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan
Maxmed Cabdillahi (Cirro).

Guddoomiyuhu waxa uu ku la kulmi doonaa dadweynaha 23.03.2013
Dugusiga Rinkebyskolan, waana maalin sabti ah, saacaddu markay tahay
16:00- 20:00.

Waxaa kale oo uu guddoomiyuhu la kulmi doonaa Gudoomiyaha Baarlamaanka
Sweden, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo madax kale oo tiro badan,
kana tirsan dalkan Sweden.

Haddaba, iyada oo uu Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, dhowaan dalkii ka
soo kicitimay, waxaa uu dadweynaha Reer Somaliland u hayaa oo uu siin
doonaa warbixin cusub oo ku saabsan xaaladda dalkeenii hadda ku sugan
yahay. Sidaas awgeed, waxaanu si sharaf iyo hufnaan leh ugu soo
dhaweynaynaa dadweynaha Reer Somaliland ee u haqab qaba wararka
dalkooda ay jecel yihiin ka Soo qeybgal wacan iyo wakhtiga oo ay
dhowraan.

Meel: RINKEBYSKOLAN
TAARIIKH: 23.03.2013
WAKHTI: 16.00 – 20.00

Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh
Axmed Cabdillahi Cawaale
073 226 94 68
Ama
Zakriya Wacays
0707770503