Human Rights Watch oo sheegtay inuu weli socdo kufsi ciidamada dowladu u geystan barakacayaasha

human right#
 

 

 

 

 

Hay’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha u dooda Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada dowladda iyo maleeshiyo hubeysan ay sii wadaan iney kufsi u geystaan haweenka ku jira xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Human Rights Watch waxay sheegtay in dadka ugu badan ee dhibaatada loo geystay ay yihiin kuwii caasimadda soo gaaray labo sano ka hor xilliyadii ay dalka ka jireen abaaro aad u daran oo sababay macluul, dadkaasna ay filayeen inay helaan amaan iyo gurmad, hase ahaatee loogu bedelay xad gudubyo.
 
Hayaddu waxay sheegtay inay jiraan dhibanayaal badan oo dhibaatadii gaartay aan sheegi Karin sababo la xiriira baqdin say ka qabaan kooxihii markii hore dhibaateeyay oo weli hortooda ka muuqda, iyagoo hubeysan, sharciguna uusan talaabo ka qaadin, iyadoo xustay in in dhibaatooyinka ugu badan ay geystaan kooxo isku xiran oo ay qeyb ka yihiin ciidamada dowladda, maleeshiyo hubeysan iyo horjoogayaasha kaamamka, waxayna dowladda ka dalbaday inay ka shaqeyso sidii amanka barakacyaasha wax looga qaban lahaa, ayna la xisaabtanto ciidamada kufsiga geysta.

Haweeney u warantay Human Rights Watch ayaa sheegtay in iyada iyo gabadheeda oo uur leh ay mar qura kufsadeen saddex ka mid ah askarta dowlada oo hubeysan, iyadoo Haweeney kale oo magaceeda ku soo koobtay Sacdiyo ayaa iyaduna sheegtay in la kufsaday lagana toogtay mid ka mid ah lugaheeda.

Ma jiro illaa hadda war ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan warbixinta ay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ku sheegtay in ciidamadeedu weli kufsi ka geystaan xeryaha ay ku jiraan barkacayaasha Muqdisho ee ku yaalla.