Abuu Mansuur Al-Amriiki “Al-Shabaab iyo Mareykanku si isku mid ah ayey ii raadsanayaan, si ay ii dilaan”

Abuu Mansuur Al-Amriiki “Al-Shabaab iyo Mareykanku si isku mid ah ayey ii raadsanayaan, si ay ii dilaan”

ABU

 

Mid ka mid ah saraakiisha Al-Qaacida ee ka midka ah Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya una dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Cumar Xamaami loona yaqaano yaqaano Abuu Mansuur Al-Amriiki, kaasoo ay dowladda Mareykanka madixiisa dul dhigtay lacag la ay siineyso ciddii soo sheegta xogtiisa iyo meesha uu ku noolyahay.

Al-Amriiki ayaa ka hadlay lacagtaasi la duldhigay iyo sidoo kale baadi goob uu sheegay in Mareykanka iyo Al-shabaab ay ku hayaan si ay u dilaan

Al-amiriiki ayaa sheegay in lacagta ay dowladda Mareykanku madaxiisa duldhigtay ay tahay wax lala yaabo, isla markaasna lagu qoslo, wuxuuna intaasi ku daray in Mareykanka iyo dowlad kale midna uusan isku dhiibi doonin, isagoo xusay in si isku mid ah ay Mareykanka iyo Xarakada Al-shabaab u baadi-goobayaan si ay naftiisa u gooyaan.

Abuu Mansuur Al-amriiki ayaa barta uu Twitter-ka ku leeyahay soo dhigay warka uu kaga hadlayo lacagaha ay ku baadi dooneyso dowlada Mareykanka wuxuuna sheegay in hadda xaaladiisu ay tahay mid ku jirta ciriiri, isla markaasna uu yahay nin baxsad ah oo ku dhuumaaleysanaya meel ka mid ah dalka Soomaaliya ka dib markii sida uu sheegay ay si weyn isku khilaafeen hogaamiyaasha Al-shabaab.

Sidoo kale Abuu Mansuur Al-amriiki ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Al-shabaab iyo dowladda Mareykanku ay si isku mid ah u ugaarsanayaan isaga, wuxuuna isweydiiyey su’aala dhowr ah isagoo la fajacsan dhibaatada ku heystada dalka Soomaaliya taasoo ah inuu bartilmaameed u yahay Mujaahidiin uu sheegay inuu markii hore bahwadaagta la ahaa iyo dowladda Mareykanka