London,25.3.13 (SM) Baseerah Training Centre London waa xarumo ku kala yaala xaafaddaha Southall iyo Neasden ee Galbeedka magaaladda London, Waa Madarisad caruurta Soomaalida lagu baro waxbarashada Diinta iyo ta maadigaba ahba,Sheekh Cabdilaahi Cismaan waa guddomiyaha Madarisada waxa aan kusoo booqday xaruntiisa ku taala xaafadda Neasden si aan wax uga ogaado horumarka iyo hawlaha uu qabto.
Sheekh Cabdilaahi Cismaan waxa uu xaafadda deganaa in badan aadna xogo-gaal ugu ah arimaha bulshada waxa sida aad waraysiga ku aragteen uu malcaamadda ku hayaa ilaa caruur gaadhaysa 500 kuwasoo labada xamuroodba ah, Xarunta Neasden oon soo booqday waxa ardaydu ay aad ugu faraxsan yihiin uguna dhacsan yihiin sida uu macalinkoodu ugu dedaalo, Waxa aan la sheekeystay qaar ka mid ah caruurta oo Quraanka si wacan u akhriyaaya iyo dabeecad wanaaga caruurta ka muuqata.
Sida aad waraysiga ku aragtaan waxa uu ka waramayaa hawlo fara badan oo ku saabsan arimaha Bulshada iyo sidii dalkan caruurta looga bad-baadin lahaa, Waxa uu aqoon u leeyahay arimaha dalkan ka socda oo uu xidhiidh wacan la leeyahay waalidiinta oo marba wixii soo kordha uga waramo. Sheekh Cabdilaahi waxa uu sidasoo kale kuu hayaa alaabooyin kala du-duwan oo guriga lagu isticmaalo,Islamic Books,Xawaalad iyo tigidhada lagu safro oo uu kuu fudedeynaayo sidii aad u heli lahayd.
Waa muhiim in waalidiintu ay caruurtooda ku dedalaan sidii sare ugu qaadi lahaayeen waxbarashadooda xaga Diinta iyo xaga maadigaba,waxa kale oo looga baahan yahay in ay had iyo jeer waalidiintu xidhiidh wacan la sameeyaan macalimiinta si ay u ogaadaan marba halka ay marayaan caruurtoodu.Waxa kale oo madarasada wax ka dhigta dad kale oo aan Soomaali ahayn lakiin ah dadka Muslimiinta xaafadda degan ah.
DAAWO VIDEO WARAYSIGA AAN SHEEKHA LA YEESHAY
https://www.youtube.com/watch?v=mIu5OcJbjN0
Hadaba hadii aad doonayso inaad sheekha talooyin weydiisa fadlan la xidhiidh.
Tell..0203 489 1850
Mobil…07772777673