Daah-furka Xafiiska Waddani Milton Keynes iyo Gudoomiye cusub oo loo doortay Aqoonyahan Axmed Cali Naahi

Milton Keynes 25.3.13 (SM)Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sawiro qurux badan oo ku saabsan xaflad aad iyo aad u qiimo badnayd oo dhawaan ka dhcday magaalada Milton Keynes ee dalkan Ingiriiska  oo ay soo  qaban-qaabiyeen xubnaha xisbiga qaran ee Waddani kuwooda degan dalkan United Kingdom gaar ahaan magaalada Milton Keynes.

IMG_2252

Salaan media_081

IMG_2177

Xafladaas oo arimo badan oo siyaasadeed lagu gorfeeynaayey   dulucdeeduna ugu weynina ahayd laba arimood
1. In xisbiga Waddani ay xarun cusub ka furtaan Milton Keynes taas oo lagu guulaystay halkaasna laga furay xafiis cusub oo loogu talo galay inuu arimaha xisbiga ee magaaladaas iyo nawaaxigeeda ka hawl galo.
ayna kasoo qaybgaleen dhamaan tageerayaasha Xisbiga Waddani ee ku kala nool dalka Ingiriiska.

IMG_2280

2. In gudoomiye cusub oo xisbiga Waddani UK leeyahay lagu doorto, taas oo ayana sidii loogu talo galay u fushay halkaasna lagu doortay inuu Mudane Axmed Cali Naahi noqdo gudoomiyaha Waddani UK.
Xisbiga Waddani oo ku caan baxay siyaasad degan oo saldhigeedu yahay mucaarid wax toosiya ayaa waqtigan xaadirka ah hawlo balaadhan oo lagu dar-dar gelinaayo hawlaha xisbiga iyo qaranka Somalilandba ka wada qaaradan Europe iyo woqooyiga America, ayadoo Gudoomiyihii Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cabdillhi( Ciro) asna hada qaaradan Europe ku sugan yahay
IMG_2187
IMG_2169

IMG_2156

IMG_2212

IMG_2271

IMG_2269

IMG_2182

IMG_2300

IMG_2289

Salaan media_078

IMG_2162

 

Ugu danbeyntii waxa uu gudoomiyaha Xisbiga Waddanu UK mahadnaq usoo jeedinayaa dhamaan tageerayaasha Xisbiga sida quruxda badan ee ay uga soo qaybgaleen, gaar ahaan waxa uu si weyn ugu mahadcelinayaa tageerayaasha Xisbiga ee ku nool magaaladda Milton Keynes oo ahayd madasha lagu daah furaayey xafiiska Ururka, si gaara mahadnaq garabka haweenka Waddani ee Milton Keynes oo dedaal dheeraada muujiyey.

Mahadsanidin.

WADDANI MEDIA UK