Dalada SONSAF oo Kulan hawleedkii labaad u Furtay Maayaro iyo Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka Qaarkood

Dalada SONSAF oo Kulan hawleedkii labaad u Furtay Maayaro iyo Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka Qaarkood

March 30, 2013 | Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay | Posted by:

 

Hargaysa 30 March (SM)   Daladda Sonsaf ayaa maanta kulan hawleed  ku saaabsan kor u qaadista aqoonta dhinaca maamulka uga furtay magaalada Hargeysa maayarada iyo Xoghayayaasha Degmooyinka darajada koowaad ee dalka. tirsan

Kulan hawleedkan oo ay soo qabanqaabisay dalada Sonsaf ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyihii hore ee ururka Sonsaf Pro Aadan Xaaji Cali Axmed, waxaana uu sheegay in kulankani uu wax weyn ka tari doono tayada maamulka iyo toosintiis waxaana tilmaamay in maamulka iyo xildhibaanadu aanay ahayn in ay ku milmaan hawl maalmeedka kala duwan  oo ay xubin waliba ku ekaato shaqadeeda, waxaana uu xusay in   goleyaashii deegaanka ee hore wax badani ku seegay waayo aragnimo la’aan, waxaana uu u jeediyay ka qaybgalayaasha in ay ka feejignaadaan khaladaadkii hore.

Waxa isaguna madashaa ka hadlay gudoomiyaha cusub ee dallada Sonsaf Mustafe Sacad Dhimbiil oo ka codsaday xubnaha maamulka Degmooyinka in ay si weyn uga faa’iidaystaan isla markaana ku dabaqaan hawlmaalmeedkooda casharada ay kulankan ku qataan, dhinaca kale waxa halkaa ka hadlay maayarka degmada Berbera md.Cabdishakuur maxamuud Xasan ‘’ C/Shakuur- Ciddin’’ oo isagu ku hadlayay afka Maayarada ka soo qayb galay aqoon korodhsiga waxaana uu soo jeediyay in laga faa’iidaysto tababarkan laguna dabaqo hawlmeelmeedka xafiisyada ya ka yimaadeen.

Hargaysa SDN.

Salaanmedia/Hargaysa