Dhul khilaaf weyni ka jiray magaaladda Burco oo soo afjarmay.

Maamulka Togdheer oo Soo Afjaray Khilaaf Dhuleed Oo Ka Taagnaa Deegaanka Waraabeeye

March 27th, 2013 

Burco (SM)-Maamulka Gobolka Togdheer oo Maalmihii u danbeeyay si weyn ugu hawlanaa khilaaf dhuleed oo ka taagnaa Degmada Waraabeeye ee gobolka Togdheer, ayaa shalay la soo afjaray.

Khilaafkan oo ka dhashay goobtii laga dhisi lahaa xarun adeeg caafimaadka ah oo deegaankaas loo dhisayo, ayaa haatan lagu heshiiyey sida uu sheegay wariyahayga gobolka Togdheer Maxamed Cawed Maxamed.

Waxaana Todobaadkani xalinta Khilaafkaasi u tagay Degaanka Wareebaye Gudoomiyha Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.Cabdilaahi Xamarji iyo wax garad ka soo kala jeeda labada dhinac ee khilaafku dhexmaray kuwaasi oo ku muransanaa goob laga hirgalin lahaa xarun cusub oo adeega caafimaadka ah.

Dad goob joog ka ahaa dhamaynta khilaafkaasi oo uu la xidhiidhay wariyahaygu, ayaa cadeeyey in maamulka Gobolka Togdheer oo ku qanciyeen labadii dhinac ee degaankaasi ee ku muransanaa goobta loo asteeyey xarunta caafimaad, waxaana dhinac kastaa sameeyey tanaasul, si ay u hirgasho goobtan caafimaad ee laga hirgelinayo degaankooda. Waxaana maamulka Gobolka Togdheer ku booriyey dadka deegaanka in laga hortago wixii Khilaafaad ah oo dhan.

Soo afjarida Khilaafkan ayaa qayb ka noqonaya khilaafaadyo badan oo ku taxaluqa dhanka dhulka oo sanadihii ugu danbeeyay soo waajahay waqtiyo kala duwan qaar ka tirsan bulshada xoola dhaqatada ah ee gobolka Togdheer kuwaasi oo dhamaantoodba ay si wada jira Masuuliyiinta Gobolka Togdheer iyo waxgarad kale ay ugu guulaysteen xalintooda.

Salaanmedia/Burco