Gabadh Booliska ka tirsan oo mag ka rabta nin nambarka 999 garaacay.

Askariyad lagu magacaabo Kelly Jones oo ka tirsan booliska gobolka Northfolk ee dalka Britain ayaa ka rabta Mag nin kaalin shidaal leh oo 999 dalbaday kadib markii kaalintiisii tuug usoo dhacay. Gabadha Askariyada ayaa ku kuftay kaabad markii ay baadhitaanka ka waday kalinta shidaalka aaga baabuurta lagu dhaqo. Mulkiilaha kaalinta oo magaciisu layidhaah Steve Jones ayaa isaga oo dhacadada ka faaloonaya yidhi. “markii ay kuftay baan caawiyey askariyada wax dhaawac ahina kamay muuqan” waxaanu ku tilamaamay arintan mid aad uga yaabisay.

Muuqaalka askariyada dacwoonaysa
Muuqaalka askariyada dacwoonaysa

Booliska gobolka Northfolk ayaan jawaab kabixin markii la waydiiyey arintan lakin xeerilaaliye matalaya askariyada ayaa qoraal ku sheegay “ PC Kelly Jones ayaa saacadu markay ahayd 12kii iyo labaatan habeenimo aaday kalin shiidaal markii aay maraysay dhanka baabuurta lagu dhaqo ayaa kaabad dheer oo aanay iska arkaynin ku kuftay taaso sababtay inuu dhaawac lug iyo gacani ka gaadho”.

Muuqaalka mulkiilaha kalinta iyo goobta ay ku kuftay askariyadu
Muuqaalka mulkiilaha kalinta iyo goobta ay ku kuftay askariyadu

Wadamada reer galbeedka ayaan ku cusbayn in ruuxi ku kufa mulkiyad ama shirkad uu qof kale leeyahay inuu soo dacweeyo ama ka dalbado magta loo yaqaan Compensation iyadoo badanaa shaashada telefishinka laga xayasiiyo shirkado ama xeerilaalayaal kaga soo ridaya magta uu uqalmo dhaawaca ma dhibaatada qofka dacwooday.

 

Warsame Siciid Jawaan

 

SalaanMedia UK