Gabar yar oo Soomaali ah oo ku nool dalka Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay noqotey gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee buug ku qorta luqada afka Ingiriiska ah.

Gabar yar oo noqotey gabadhii ugu horeysay oo Soomaali ah oo buug ku qorta luqada afka Ingiriiska

March 23, 2013 | Filed under: Dhacdooyinka,News | Posted by:

Gabar yar oo Soomaali ah oo ku nool dalka Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay noqotey gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee buug ku qorta luqada afka Ingiriiska ah.

Gabadhaan yar oo lagu magacaabo Zaynab Nuur Cabdulaahi oo 12 sano jir ah kuna nool dalka Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay tahay gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah ee ku qorto luqada Ingiriiska buug dhan iyadoona ay gabadhaasi ku soo bandhigtey buugaas oo ay ku qortey dhamaantiis luqada Afka Ingiriiska, gabadhaan yar ayaa sidoo kale waxaa buugeeda islamarkiiba muujiyey inay xiisaynayaan qolooyinka filimada Sameeya ee Hollywoodka ayagoona ka codsaday inay u ogolaadaan gabadhaasi iyo qoyskeeda inay sheekada buugaas ay filim ka sameyn karaan taas oo ay aqbaleen gabadhaas iyo qoyskeedaba arintaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii ay arintaan tahay mid lagu farxo oo muujinaysa heerka aqoonta ee ay leeyihiin qaar badan oo ka mid ah caruurta Soomaaliyeed ayaa arinta kale ee muhiimka ah waxay tahay in gabadhaan ay tahay qof markii hore ku dhashay dalka Denmark oo u soo guurey dalka Ingiriiska taas oo muujinaysa dadaalka ay sameysay gabadhaan yar iyadoona sheegtay gabadhaani yar inay tahay qof jecel wax aqriska islamarkaana ah qof soo aqristey buugaag fara badan oo kala duwan.