Ganacsato Carbeed Oo Booqasho Indho-indhayn ah ku Tagay Burco

Ganacsato Carbeed Oo Booqasho Indho-indhayn ah ku Tagay Burco

March 22nd, 2013 Comments Off

Burco (SM): Wefti balaadhan oo maalgashadayaal Ganacsato ajanabi ah oo u dhashay dalka Qadar ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Waxaanay weftigaasi kulan la yeesheen maamulka gobolka Togdheer iyo waliba shirkada Al-Ancaam ee maamusha maxjarka naaxinta xoola ee magaalada Burco.

Gudoomiyaha gobolka Togdheer Axmed Cumar X.Cabdilaahi (Xamaraji) kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay si balaadhan u soo dhawaynayaan Maalgashadayaasha Shisheeye ee raba inay maalgashi ka samaystaan gobolka Togdheer.

Waxaanu yidhi “Waxaan aad u soo dhawaynayaa maalgashadayashani ka socda dalka Qadar ee u yimi sidii maalgashi ay u samaysan lahaayeen gaar ahaan ganacsatadani oo xiligan u socota sidii ay u maalgalinlahaayeen maxjarka Ancaam ee ganacatada Togdheer ka hirgalisay Magaalada Burco taasi oo ku dayasho mudan waxtar weyna u leh Bulshada Somaliland iyo Gobolkaba”.

Cali Axmed Xanaano oo isna ku hadlayay afka Maamulka Maxjarka Xoolo naaxinta Al-Ancaam ayaa sheegay inay ganacsatadani ku soo dhawaynayaan gobolka Togdheer iyo maxjarkan xoola naaxinta waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Shirkada Al-Ancaam waxay soo dhawaynaysaa cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa Maxjarkani oo isaga hawlihiisa shaqo ay noqon doonto mid mugweyn oo faaido balaadhan u leh Bulshadeena iyo xoolihii aan dhaqananayba waxaan maalgashi ee noocani oo kale ahina ay yihiin kuwo u baahan in la joogteeyo lana sii horumariyo”.

Mr Daariq oo ku hadlayay afka maalgashadayashani ayaa ku mahadceliyay soo dhawaynta loogu sameeyay magaalada Burco iyo sida loo qaabilay isagoo balan qaaday inay maalgashigoodani ka dhabayn doonaan si uu noqdo mid taaba gala oo guulaysta.

Geesta kale intii ay maanta ku sugnaayeen magalaada Burco weftigani waxay kormeer balaadhan ku soo mareen qaybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay maxjarka xoola naaxinta ee Burco iyagoo warbixin la xidhiidha hawlaha shaqo ee maxjarkani ay ka siiyeen masuuliyiijta maamusha maxjarkaasi kuwaasi oo shaaciyay in maxjarkani yahay mid tayo leh.

Weftigani ayaa qayb ka noqonaya weftiyo maalgashadayaal ganacsato Carbeed iyo kuwa kale oo mudooyinkii ugu danbeeyay u imanayay Gobolka Togdheer sidii maalgashiyo balaadhan ay uga samayn lahaayeen Gobolka.

Somaliland.Org/Burco