Madaxwayne Siilaanyo iyo Waftigiisa saaka u Baxay Dalka imaaraadka oo uu Martiqaad Rasmi ah ka Helay.

Berbera 23.3.13 (SM)  Madaxwayne Siilaanyo iyo Waftigiisa saaka u Baxay Dalka imaaraadka oo uu Martiqaad Rasmi ah ka Helay.

Daawo Sawirada Waftiga madaxwaynaha oo saaka ka duulay madaarka Berbera….. Daawo sawiradda

Berbera (GNS)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa u kicitimay Imaaraadka Carabta ka dib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen Imaaraadka Carabta, waxa uu safarkani qaadan doonaa mudo laba ama saddex Cisho ah.
5
Waxa uu madaxweynuhu ka dhoofay madaarka Caalamiga ah ee Berbera Airport halkaas oo ay imaaraadku u soo direen Madaxweynaha Jamhuuuriyada Somaliland, Diyaarad Khaas ah oo ay madaxeynaha iyo weftigiisa u soo direen.
4
Xubnaha Weftigu ka kooban yahay

1. Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

2. Marwada Madaxweynaha JSL, Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde

3. Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL,Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar

4. Wasiirka Maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale

5. Wasiirka Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan

6. Wasiirka Beeraha JSL, Prof. Faarax Cilmi Geedoole

7. Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka JSL, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

8. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka JSL, Nimco Xuseen Qawdhan

9. Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Axmed Saleebaan Dhuxul

10. Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi

11. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada JSL, Baashe Maxamed Faarax
321
733934_10200136463508156_761586276_n600307_10200136457147997_300203577_n (1)600196_10200136461628109_16293145_n577473_10200136457388003_92312465_n536480_10200136458748037_1928976982_n524930_10200136462388128_1976791915_n486510_10200136459788063_570684615_n486414_10200136459108046_466223580_n481901_10200136458068020_348028735_n